Friday, November 18, 2022
HABKA NOLOSHA WAQTIGAAN
Monday, November 14, 2022
AQOON YAHAN DAACADA
Wednesday, November 9, 2022
WAA SIDEE XAALKEENNU?
Thursday, November 3, 2022
Dagaalkii Barakaysnaa
Saturday, April 29, 2017
Boqol sannadood
Boqol sano ayaan waddankaan difaacaynnay. Dad badan ayaa umaleeya In waddankaan aan ciyaar ciyaar kuhelay. Boqollaal sano ayaa dadkeennu Udhimanayeen iney diraacdana dalkaan, waxaana ladhihi karaa taasi waa Sababta aan dadka ugayaraannay. Soomaalidu waxay waligood diyaar u Ahaayeen iney dalkooda udhintaan. Dadyawgii damcay dhulka Soomaalida Way farabadnaayeen, waxaana ugucaansanaa Xabashida, Bortaqiiska, Ingiriiska, talyaaniga, iyo faransiiska. Carabtu waxay kugabbanaysay Diinta Islaamka, dagaalladaasna qayb ayey kaqaateen, waliba dagaalladii Xabashida lalagalay. Inkastoo ay Soomaalida dhexdeeda xitaa dagaallo badan kajireen oo Ay is gumaadi jireen, haddana marka cadaw shisheeye imaado waa Israaci jireen oo hal meel ayey cadawga ugasoowadajeesan jireen.
Dad badan ayaa qaba iney ahaayeen dad dagaal jecel oo markasta
Dagaal kujirey, hadday waayaan ciday ladiriraan iyagu isbaabi'in jirey.
Majiro qoys Soomaaliyeed oon qaar kamid ahi aanay dagaal kudhiman.
Dadka qaar ayaa qaba in Soomaalidu dagaal kunool ahaayeen oo ay
Dhaqankooda ahayd iney dagaallamaan oo xoog isugufaanaan. Haddii
Damacno inaa raadiso dagaalladii ay dhexdooda galeen, waxaa kugu
Dhacaya yaab iyo amakaag. Imisa qabiil ayaa laciribtiray, imisa ayaa
Kudhawaaday iney tirtirmaan, xisaab maleh. Waa sababtaas ayaa
Keentay inlagumurmo ciddii dhulka degganaan jirtey oo Soomaalida
Kahorreysay. Tusaale ahaan, dadyawgii waqtiyadii dambe laciribtiray
Waxaa kamid ahaa dadkii ay ubixiyeen Gaalo Madaw, oo xaqiiqo ahaan
Kakoobnaa qabiilooyinkii Soomaalida ahaa een Muslimin. Xoolohoodiina
Waaladhacay, carruurtii iyo dumarkiina waalaqaatay, raggiina wax lalaayey
Iyo wax dhulka Oromada uqaxay ayey noqdeen. Illaa iyo hadda waxaa dhulka
Oromada lagahelaa dadyaw Soomaaliya oo waahore dhulkoodii lagasloqaxshay.waxaa kaleeto oo Soomaalidu illaa hadda kasheekaysaa dagaalladii Aji iyo Ajuuraan, oo Ajuuraan dalka loogakacshay. Ajuuraan wuxuu isna kubiiray dadyawgii kaleeto oo Soomaalida ahaa ee hore dalka loogakacshay ee galay Hawdka dhulka Oromada. Oromada oo ay aad Soomaalida isugu udhawyihiin xagga dhaqanka iyo dhalashadaba, waxaa fudud in Soomaalidu dhexgasho oo kumilanto, inkastoo waayadii dambe ay colaad kadhex abuurantay Soomaalida iyo Oromada. Waxaa kaleeto oo jirey dadyaw Oromo ahaa sida Booranta oo iyana hoos looriixay, inkastoo Boorantu ay dagaal kululeed oo Soomaalida ay dagaallo xun oo lagu hoobtay ay lagaleen. Illaa hadda qabiillada Soomaalida ee dariska la ah Booranta aad ayey isulaayaan!
Waxaa kaleeto oo qixii ugu darnaa uu dhacay xilligii daraawishta, ee sayidku hoggaaminayey. Xilligaas sayidku wuu laayey, xoolohoodiina wuu dhacay dhammaan qabiilooyinkii aan dagaalkiisa lasafan. Dadkii dhulkaa hawdkaa degganaa waxay uqaybsameen kuwo Ingiriiska lasaftay, kuwo dalka isagaqaxay oo Oromo ugalay, IYO kuwo isaga lasaftay. Aakhirkiina markii isaga laga adkaaday Oromo ayuu uqaxay oo halkaas ayuu kudhintay.
Waxaa kaleeto oo iyana labaatan iyo lix sano kahor lagasaaray Daaroodka koonfurta Soomaaliya oo dhan, illaa ay dawladaha deriskaa soocaawiyeen oo dib usoo noqdeen. Dawladaha deriskaa ayaa waxaa kunool dadyaw Daarooda oo Ingiriisku raaciyey dawladaha Itoobiya iyo Kenya, sidaas ayey kaalmo ugaheleen oo dib ugusoonoqdeen goballada jubbooyinka iyo Gedo oo awel lagasaaray. Arrintaasi wali dhibaato dibuheshiisiineed ayey kuhaysaa dawladda cusub ee Soomaaliya inkastoo dhawr dawladood oo dibuheshiisiineed ladhisayey. Wali maysan dhammaan colaaddaas, daaroodkiina wali kumaysan laaban meelo badan oo koonfurtaa ooy hore udegganaayenn intii aanay dagaallada sokeeye bilaaban. Waxaa ugu daran oo muranka ugu badani hadda kataaganyahay magaalo madaxda oon weli heshiis lagu ahayn oo Hawiye sheeganayo iyo goballada jubbooyinka oo Hawiye lagabarakiciyey, haddana ay Daaroodku gacanta kuuhayaan!. Dhibaatooyinkaas waa waxyaabaha qarsoon ee illaa hadda dabada haysta dawlad Soomaaliyeed oo dib u istaagta.
Iyadoo ay dhibaatooyinkaas oo dhami jiraan oo Soomaalidii ay kuwiiqantay dagaallo dhexdoodaa oo hadda dalku ukalaqaybsanyahay dawlad goboleedyo ama dawlad qabaleedyo yar yar, ayaa haddana waxaa dalka lagusooqaaday siyaasadeed iyo mid ciidameedba. Waxaa dalka dhexdiisa laga abaabulay dagaallo aan lagaranayn ujeedada lagaleeyahay oo magac Islaam wata, iyo dawlado waaweyn iyo kuwo derisa oo sitoosa usoofaragashtay Soomaaliya. Soomaaliya waxaa lawaayey cid saaxiib la ah, hadday noqoto dawladihii deriskaooyna awelba xiriir fiican lahayn, dawladihii Carabta oo ay diin wadaagga ahaayeen iyo kuwii reer yurubba. Dawladaha Itoobiya, Kenya, Sacuudi Arabia, Imaaraadka, Mareekanka, Ingiriiska iyo Turkiguba waxay sitoosa usoofaragaliyeen arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Kulligood waxay waddanka kadhexsameesteen ciidammo iyaga ka amarqaata, waddankastana muusan qarsan baahida dhuleed ee uu Soomaaliya uqabo. Qaarkood waxay doonayaan iney goostaan qaybo muhiima oo dalka kamida, qaarkood dekedo ayey rabaan iney ladhistaan, qaarkood kalluun ayey karabaan, qaarkood dhul beereeed ayey karabaan, qaarkoodna shidaal ayey rabaan iney kaqotaan. Soomaaliya waxay noqotay dhul aan cidina lahayn, dadkiisiina qabiillo isneceb oo isciribtira ayey noqdeen!
Ujeeddada ugu weyn een qoraalkaan kaleenahay wuxuu ahaa ineysan Soomaalidu dhulkaan qaaligaa aysan ciyaar ciyaar kuhelin ee ay kumanaan sano naftooda usoohurayeen oo waran afka dhiig kuleh ladhexjoogeen. Haddii marka ladhaafay xilligii waranku ugu weynaa waxa lagudagaallamo, Soomaalidu haatan waa faramarantahay oo hub casriya mahaysto, haseyeeshee waxay ujeedaan sida ay dalkooda ugalayaan dadyawgii ay waranka caaraddiisa kagasaareen! Haddiina ay maanta Soomaalidu haysan lahayd hubka wax gumaada ee nuclearka, Somalia waxay noqon lahayd kuuriyada waqooyi ee Afrikada Bari. Maalin walba waxay gantaal tijaabo ah dulmarinlahayd badda Hindia oo waagii hore la oran jirey badda Soomaaliya. Waa in dawladaha boobaya dhulka Soomaaliyeed ay maanka kuhayaan iney dhalan doonaan jiil cusub oon war uhayn colaadda dhexdoodaa oo ku indhoqaadidoona dalkoodii oo laqaybsaday.
Wednesday, April 26, 2017
Salafiya
Salafiya
dad badan ayaa markay maqlaan salafiya waxay badanaa xusuustaan kacdoonkii diineeed e Soomaaliya kabilawday xilliyadii dambbe ee sideetameeyadii, inkastoo ay jireen dhawr qof oo fikirkaas watay balse qarsanayey. Fikirkaan salafiya waxaa lootiriyaa shiikhii la oran jirey ibmu taymia. Waxaa uu noolaan jirey muddo saddex qarni haatan lagajoogo, xilligaas ooy dunida muslinka katalinaysay dawladdii cismaaniyada oo xaruntedu ahayd dalka turkiga.xilligaas xadaaradda islaamku mel sare ayuu gaaray wuxuuna horseed kanoqday daahfurka cilmiga xisaabta, cilmiga badaha, cilmiga caafimaadka iyo falsafadda. Wuxuu horseed u ahaa aqoonta yurub, jaamacasdihii uhorreeyeyna waxaa lagudhigi jirey buugaagtii ay qoreen culimo muslimiina.
Inkastoo haddana ay jireen waxyaabo badan oo ilbaxnimadaasi kentay ooyna jeclaysan culimo badan oo rabay ineysan diintu xadka kabixin oo lagu ekaado waxyaabihii uu nebi maxamed layimid naxaiisi kokiisa haahaatee. Qolooyinkaas waxay ubaxsheen waxyaabihii cusbaa ee kusookordhay nolosha muslimiinta bidco, oo micneheedu yahay wax diinta iyo dhaqanka islaamka kusookordhay, waxayna labaxeen salafiya, oo micneheedu yahay wixii tagay, ama sidii ay nbiga iyo asaxaabtiisu unoolaan jireen.
Halkaas waxaa kabilawday iskudhac xagga fikirka oo kadhex aloosmay muslimiintii sunniga ahaa dhexdooda. Waxaa kaleeto oo xilligaas siiliicaayey awooddii iyo saamayntii dawladdii cismaaniyiinta, waxaana kor usookacayey awooddii reer galbeedka oo dunida weerar ku ahaa. Afkaartii reer galbeedka oo markaa kaxoroobayey xukunkii kaniisadda, oo ay horsocdaan hantigoosadka iyo dimuqraadiyadda, waxay khatar weyn u arkeen dawladdii cismaaniyiinta oo waagaas katalinayey dhul aad uballaaran, ooy ku jirto yurubta bari. Reer galbeedka waxaa markaa horseed u ahaa boqortooyadii ingiriiska oo adduunka rubuciis qabsatay ama qabsan rabtay. Ingiriisku wuxuu cadaawad u ahayey dawladdii cismaaniyiinta sababtoo ah cismaaniyiintu waxay gacansaar la ahaayeen dawladdii jarmalka oo ay ingiriiska tartamayeen. Waxaa kaleeto oo jirtay in cismaaniyiintu ay haysten dhulkii barakaysnaa oo ay danaynayeen sahyuuniyaddii oo rabay in dhulkii barakaysnaa dib loogucelsho yuhuudda.
Waxaa kaleeto oo jirtay in fikirkii ibnu taymiya uu kufaafay gobalka najdi ee carabtu ubadnayd ee dalka sucuudiga. Halkaan waxaa kabilaabmay kacdoon carbeed oo loogasoohorjeedo cismasniyiinta, waxayna u arkayeen in xukunkii islaamka ee carabtu xaqa ulahayd ay lawareegeen
niman turkiya, sababtoo ah madaxdii cismaaniyadu waxay ubadnaayeen turki, waxayna u arkeen iney xaq tahay in lagaxoreeyo dhulka barakaysan.
Halkaas waxaa kabilawday markii uhorraysay isgarabsigii ingiriiska iyo qabaa'ilkii carbeed. Ingiriisku waxay bilaabeen iney tabobaraan oo hubeeyaan qabaa'ilkii carbeed, oo ay horseed uyihiin dhallinyaradii wahaabiyada iyo qabiilkii reer aalasucuud ee nejdi degenaa. Waxaa dhacday in dawladdii cusmaaniyada laga qabsaday goobihii barakaysnaa, waxaana halkaas lagu laayey jifadii nebigu kadhashay ee haashimiyada, kuwaas oo hayey furayaashii xaramka makka. Dagaalkaas wuxuu beddelay taariikhdii Islaamka, waxaana xaramkii islaamka maamulkiisii lawaregay Wahaabiyada, oo qayb ka ah salafiyada. Waxaa kaleeto oo dunidii Islaamka qabsaday ingiriiska iyo faransiiska oo xiriir fiican laleh Islaamka cusub oo lasiiyey xukun hoosaad, halkaasna waxaa kudhammaaday khilaafadii islaamka, waxaanan soobaxay islaam cusub oo reer galbeedku saamayn weyn kuleeyihiin. Islaamku wuxuu markii dambe isubedelay xoog ay reer galbeedku leeyihiin oo u adeegsadaan ladagaalanka shuuciyada, waxaana islaamka reer galbeedka ahi kaxoreeyey ruushka waddankii afgaanistaan oo jab weyn loogugeystay, iyadoo la adeegsanayo lacagtii betroolka carabta iyo hubkii reer galbeedka.
Markii reer galbeedku kasoojeesteen dagaakii afgaanistaan, waxaa ciidamadii latabobaray ee mujaahidiinta lagufaafiyey dhammaan dawladihii muslinka ahaa eenay reer galbeedku jeclayn, waxaana jihaad beena laga bilaabay waddamadii Ciraaq, baakistaan, afgaanistaan, siiriya, liibiya, masar, yemen, iyadoo la adeegsanyo lacagtii betroolka iyo farsamadii reer galbeedka.
Haddaba waxaa isbeddalay micnihii Islaamka, waxaana soobaxay Islaam Islaam gumaadaya. Guud ahaan waa laguguulaystay danihii reer galbeedu kalahaayeen Islaamka, dadkii muslimiinta ahaana waxay uqaybsameen firqooyin midiba middakale riddinayso. Dadkio islaamka ahaa waxaa ku adkaatay noloshii, waxayna noqotay iney kacararaan magacooda islaamka ah. Islaamkii oo dhan ayaa wuxuu noqday wax lagabaqo, waxaana soobaxday waxa looyaqaan argagixisada islaamka. Dadka islaamka ahi waxa noqdeen kuwo sidii larabo loo adeegsado oo ushaqeeya sida maafiyadaoo kale, kuwaasoo intalacag lasiiyo qofkii loodiro madaxa kajara.
Saturday, March 25, 2017
Gefefkii siyaasadeed ee Majeerteen
Dad badan oo Soomaaliya haddaa weydiiso dhibaatooyinka siyaasadeed ee Soomaaliya waxay kuleeyihiin, dhibaato aan majeerteen dhigin dalkaan kamadhicin. Inkastoo qabiil ahaan aan wixii dhacay dusha lawadasaaran Karin, haddana dhibaatooyinkaas waxaa geystay shaqsiyaad beesha kamida oo taageero kahelayey qaybo beesha kamida. Qormadaan uguma danlihi inaan soobandhigo ceebaha uu Majeerteen leeyahay, laakiin marka larabo in dibuheshiisiin dhaba lagalo, waa in lagasheekeeyo waxyaabihii dhacay. Inkastoo ay adagtahay in daacad laga ahaado waxkasta oo dhacay, sababtoo ah ma ogaankartid dhankasta oo dhacdadaas kusaabsan, haddiise ay daacadnimo jirto, oodna cidna necbayn, waxaa lagayaabaa in sheekadaadu dhadhan lahaato.
Sikastaba haahaatee, dhacdooyinkii siyaasadeed ee xanuunka badnaa uurkutaallana kureebay siyaasad qabiileedka Soomaalida waxaa kamid ahaa:
1. Sulkaankii Hobyo, kaasoo abuuray cuqdad mahadho ah oo illaa maanta lagasheekeeyo waxyaabihii dhacay. Oday duqa oo kamid ahaa dadkii kuhoosnoolaa xukunkii Suldaan Cali ayaa iigasheekeeyey rafaadkii lamarin jirey. Inkastoo uu suldaankaasi dadyaw badan ladagaallamay, haddana beelihii ay haybwadaagta ahaayeen, waa iska illoobeen, qaarkalese waxbadàn bay sheegaan.
2. Xukunkii Aadan Cadde: dad badan ayaa rumaysan in cabdillaahi Ciise uu kamudnaa Aden Cadde inuu madaxweyne noqdo, dhawr sababood aawadood, waa mide isagaa ahaa RW uhorreeyey ee Soomaali yeelato, waa mide, qabiilka Aden Cadde wuxuu ubadnaa xisbigii progaresso ee talyaaniga raacsanaa, halka qabiilka cabdillaahi Ciise ay kulligood leegada ahaayeen.
2. Iskudarsankii koonfur iyo waqooyi: israacii labada gobol, waxay ahayd in madaxweynaha iyo RW lakalaqaato, arrintaasna may dhicin ee labadiiba koonfur baaqaadatay, halkaasna daqarkii ugu horreeyey ee midnimada ayaa dhacay.
3. Kaladoorashadii Ingiriis iyo Talyaani. Ingiriiska oo ay gacanta ugu jiraan shantii gobol ee Soomaalidu uqaybsanayd, Jabuuti maahane, ayaa Talyaani ladoortay inuu Soomaali xornimo gaarsiiyo, ogow talyaani dalka waakamaqanyahay oo waa laga adkaaday, arrintaas ingiriis waa ucintami wayday wuxuuna Soomaali uqaaday colaad aan dhammaan illaa hadda.
4. Dilkii Cabdirashiid Cali sharmaake, markii ladilay Cabdirashiid Cali sharmaake, xukunkii ciidamada ayaa dhacay, xukun ciidanna waan aragnay wixii kadambeeyey.
5. SSDF. Jamhaddii uhorreysay ee laguladagaallamo qarankii Soomaaliyeed ee sababta unoqotay iney cunto dawladdii.
5. Dagaalkii Hargaisa ee dhafoor qiiq. Dhibaato aan illaa hadda Karin.
6..dagaaalkii USC ee Muqdisho lagulagalay iyadoo sheekadii loorogay Daarood iyo Hawiye.
7. Dagaalladii Kismaayo oon dib ugasheekayn doono.
Fikirkiinna xalaashaa een aflagaaddo iyo qabyaalad huwanayn ...