Wednesday, April 26, 2017

Salafiya

Salafiya
dad badan ayaa markay maqlaan salafiya waxay badanaa xusuustaan kacdoonkii diineeed e Soomaaliya kabilawday xilliyadii dambbe ee sideetameeyadii, inkastoo ay jireen dhawr qof oo fikirkaas watay balse qarsanayey. Fikirkaan salafiya waxaa lootiriyaa shiikhii la oran jirey ibmu taymia. Waxaa uu noolaan jirey muddo saddex qarni haatan lagajoogo, xilligaas ooy dunida muslinka katalinaysay dawladdii cismaaniyada oo xaruntedu ahayd dalka turkiga.xilligaas xadaaradda islaamku mel sare ayuu gaaray wuxuuna horseed kanoqday daahfurka cilmiga xisaabta, cilmiga badaha, cilmiga caafimaadka iyo falsafadda. Wuxuu horseed u ahaa aqoonta yurub, jaamacasdihii uhorreeyeyna waxaa lagudhigi jirey buugaagtii ay qoreen culimo muslimiina.
Inkastoo haddana ay jireen waxyaabo badan oo ilbaxnimadaasi kentay ooyna jeclaysan culimo badan oo rabay ineysan diintu xadka kabixin oo lagu ekaado waxyaabihii uu nebi maxamed layimid naxaiisi kokiisa haahaatee. Qolooyinkaas waxay ubaxsheen waxyaabihii cusbaa ee kusookordhay nolosha muslimiinta bidco, oo micneheedu yahay wax diinta iyo dhaqanka islaamka kusookordhay, waxayna labaxeen salafiya, oo micneheedu yahay wixii tagay, ama sidii ay nbiga iyo asaxaabtiisu unoolaan jireen.
Halkaas waxaa kabilawday iskudhac xagga fikirka oo kadhex aloosmay muslimiintii sunniga ahaa dhexdooda. Waxaa kaleeto oo xilligaas siiliicaayey awooddii iyo saamayntii dawladdii cismaaniyiinta, waxaana kor usookacayey awooddii reer galbeedka oo dunida weerar ku ahaa. Afkaartii reer galbeedka oo markaa kaxoroobayey xukunkii kaniisadda, oo ay horsocdaan hantigoosadka iyo dimuqraadiyadda, waxay khatar weyn u arkeen dawladdii cismaaniyiinta oo waagaas katalinayey dhul aad uballaaran, ooy ku jirto yurubta bari. Reer galbeedka waxaa markaa horseed u ahaa boqortooyadii ingiriiska oo adduunka rubuciis qabsatay ama qabsan rabtay. Ingiriisku wuxuu cadaawad u ahayey dawladdii cismaaniyiinta sababtoo ah cismaaniyiintu waxay gacansaar la ahaayeen dawladdii jarmalka oo ay ingiriiska tartamayeen. Waxaa kaleeto oo jirtay in cismaaniyiintu ay haysten dhulkii barakaysnaa oo ay danaynayeen sahyuuniyaddii oo rabay in dhulkii barakaysnaa dib loogucelsho yuhuudda.
Waxaa kaleeto oo jirtay in fikirkii ibnu taymiya uu kufaafay gobalka najdi ee carabtu ubadnayd ee dalka sucuudiga. Halkaan waxaa kabilaabmay kacdoon carbeed oo loogasoohorjeedo cismasniyiinta, waxayna u arkayeen in xukunkii islaamka ee carabtu xaqa ulahayd ay lawareegeen
niman turkiya, sababtoo ah madaxdii cismaaniyadu waxay ubadnaayeen turki, waxayna u arkeen iney xaq tahay in lagaxoreeyo dhulka barakaysan.
Halkaas waxaa kabilawday markii uhorraysay isgarabsigii ingiriiska iyo qabaa'ilkii carbeed. Ingiriisku waxay bilaabeen iney tabobaraan oo hubeeyaan qabaa'ilkii carbeed, oo ay horseed uyihiin dhallinyaradii wahaabiyada iyo qabiilkii reer aalasucuud ee nejdi degenaa. Waxaa dhacday in dawladdii cusmaaniyada laga qabsaday goobihii barakaysnaa, waxaana halkaas lagu laayey jifadii nebigu kadhashay ee haashimiyada, kuwaas oo hayey furayaashii xaramka makka. Dagaalkaas wuxuu beddelay taariikhdii Islaamka, waxaana xaramkii islaamka maamulkiisii lawaregay Wahaabiyada, oo qayb ka ah salafiyada. Waxaa kaleeto oo dunidii Islaamka qabsaday ingiriiska iyo faransiiska oo xiriir fiican laleh Islaamka cusub oo lasiiyey xukun hoosaad, halkaasna waxaa kudhammaaday khilaafadii islaamka, waxaanan soobaxay islaam cusub oo reer galbeedku saamayn weyn kuleeyihiin. Islaamku wuxuu markii dambe isubedelay xoog ay reer galbeedku leeyihiin oo u adeegsadaan ladagaalanka shuuciyada, waxaana islaamka reer galbeedka ahi kaxoreeyey ruushka waddankii afgaanistaan oo jab weyn loogugeystay, iyadoo la adeegsanayo lacagtii betroolka carabta iyo hubkii reer galbeedka.
Markii reer galbeedku kasoojeesteen dagaakii afgaanistaan, waxaa ciidamadii latabobaray ee mujaahidiinta lagufaafiyey dhammaan dawladihii muslinka ahaa eenay reer galbeedku jeclayn, waxaana jihaad beena laga bilaabay waddamadii Ciraaq, baakistaan, afgaanistaan, siiriya, liibiya, masar, yemen, iyadoo la adeegsanyo lacagtii betroolka iyo farsamadii reer galbeedka.
Haddaba waxaa isbeddalay micnihii Islaamka, waxaana soobaxay Islaam Islaam gumaadaya. Guud ahaan waa laguguulaystay danihii reer galbeedu kalahaayeen Islaamka, dadkii muslimiinta ahaana waxay uqaybsameen firqooyin midiba middakale riddinayso. Dadkio islaamka ahaa waxaa ku adkaatay noloshii, waxayna noqotay iney kacararaan magacooda islaamka ah. Islaamkii oo dhan ayaa wuxuu noqday wax lagabaqo, waxaana soobaxday waxa looyaqaan argagixisada islaamka. Dadka islaamka ahi waxa noqdeen kuwo sidii larabo loo adeegsado oo ushaqeeya sida maafiyadaoo kale, kuwaasoo intalacag lasiiyo qofkii loodiro madaxa kajara.

No comments:

Post a Comment