Sunday, May 5, 2024

bilawgii dhibaatootinka Soomaalida

Goorma ayuu bilawday qalalaasaha nololeed ee Soomaalidu?
Qarnigii 10 aad kahor, waxaa lasheegaa iney Soomaalidu ahaayeen dad awood badan, oo dhul aad uballaaran kubaahan, Cid xagga dagaalka ubabac dhigikartaana aanay jirin. Magacaan Soomaali wuxuu soobaxay mardambe oo ay Soomaalidu jabtay, kadib dagaallo jihaad iyo casabiyad udirir ah, oo boqollaal sano udhexeeyey iyaga iyo Abyssinia ama Xabashida. Soomaalidu dagaalladaas kahor waxay ahaayeen qabiillo waaweyn, oo kubaahsan illaa koonfurta wabiga Taana, iyo xeebaha Zaylac, illaa harar. Intaasoo dhula marba qabiil weyn ayaa katalinayey, illaa markii dambe Islaamku imaaday dhanka waqooyiga, halkaasoo uu kufaafay dhulalka Xabashida kahooseeya oo dhan, iyo xeebaha Ereteeriya, Zaylac illaa Muqdisho, inkastoo Islaamkii waqooyi iyo kii koonfurtu aanay iskuxirnayn. 
Zaylac illaa dhulka Oromada, Harlaha, Canfarta oo dhan waxaa kasamaysmay Saldanado badan, oo iskuxirayey Carabta, Soomaalida, Oromada, Canfarta iyo qabiillo badan oo dhulkaas deggenaa, illaa markii dambe ay Xabashidii Buuraha waqooyi degganayd ay kaxumaatay Islaamka kusoofidaya, weerarna ay kusooqaadday. Dagaalladaasi muddooyin dheer ayey socdeen, marba qolo ayaa lajabinayey, illaa markii dambe ay Xabashidu taageero kaheshay Boortaqiiska, kadibna Saldanadihii Muslimiinta mid-mid loojabiyey. 
Saldanaha Muslimiintu maahayn kuwo israacsan, qaarkoodna waxayba heshiisyo hoose lagaleen Boqortooyadii Xabashida. Markii dambe Ammiir Ahmed Gurey ayaa Xabashida Jabiyey, oo boqorro badan oo Xabashi ahna dilay, illaa boortaqiisku ciidammo usoodiro, Ammiirkii Muslimiintana ladilo. 
Sheekada halka aan ugajeedaa waa halkaan. Xabashidu kamaysan harin Soomaalidii iyo qabiilladii Muslinka ahaa ee Jabay, illaa ay Zalac qabsato, Suldaankii Sacaadadiin disho, magaaladiina dab qabadsiiso. Xabashidu dib ayey unoqdeen, waayo qabiillo badan oo Muslimiina ayaa iskood uladirarayey. Suldanadihii Qabaa'ilka kushitigga ah iyo Carabtii dhulka soodegay, oo dhinac ah, tartarriib ayey uburburayeen, Xabashiduna waa siixoogaysanaysay, iyadoo xiriirro badan layeelatay gaaladii awoodda lasoobaxday, ee xittaa khaliifadii Muslimiinta ee Cismaaniyada (Ottoman Empire), ayaa siiburburaysa, waana xilliyadii ay socdeen dagaalladii qabiillada Carabta iyo Khaliifadii Islaamka, oo ay u arkayeen gumaysi Turki.
Markaan ayey Xabashidu dib usoonoqotay, oo guuldarro dhammaystiran ugeysatay Qabiilladii Muslimiinta ahaa, ee Soomaalida, Harlaha, Canfarta iyo kuwo kaleeto. Waa ogtihiin in qarnigii 19aad ay Xabashidu kamid ahayd Gumaystayaashii Somalia qaybsaday, iyagoo reer galbeedka kalatalinayey sidii Afrika looqabsan lahaa, Diinta Masiixigana loogu faafinlahaa. 
Jabkii qabiilladii Muslinka ahaa, ee Shawa illaa Harar, iyo Zaylac, Soomaalidu waxay kamid ahayd qabiilladaas faraha badan, ee iskumilmay, oo badabkoodii usooqaxay dhanka koonfurta wabiyada leh, iyo waqooyiga Buuraha leh. Xabashidu kamaanay harin Muslimiintii Jabay, oo markaan magaca Soomaali wadaqaatay, inkastoo ay qabiillo kaduwan kakoobnaayeen, illaa ciidankii Minilik lagu Jabiyey degmada Balcad, oo Suldaan Moobileen Muddulood ahi deggenaa. Xabashidu waxay rabeen iney badda gaaraan, hammigaas oo illaa hadda taagan, iyagoo raba iney Zaylac dekked kasamaystaan. 
Xilliyadaan lasooqaxay, ee Soomaalidii dib usoonoqdeen, ayaa qabaa'ilka Dir iyo Daarood waqooyi kasamaysmeen, illaa gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaanigu yimaadeenna, waqooyi iyo koonfur xiriir malahayn, marka lagareebo qabiillo badan oo dagaalladii Xavashida kasooqaxay oo dhulka wabiyada koonfurta soogalay, kuwaasoo kubiiray qabiilladii hore dhulka udeggenaa.
Taariikhda Casriga ah ee Soomaalidu wuxuu kasoobilawdaa Jabkii Ammiir Ahmed Gurey, Ilaahey Jannadii firdowsa hakawaraabiyee. 
Waxaa kaleeto oo iyana xusid mudan, in muddadii dheerayd ee Islaamku kufidayey dhulka Oromada, Soomaalida iyo koonfurta Itoobiya oo dhan, ilbaxnimo heerkeedu sarreeyo ayaa kasamaysmay, waxaana dhulka soodegay dad badan oo Jaziiradda Carabta kasoogudbay, kuwaasoo jihaad, ganacsi iyo diin-faafinba u imaaday. Islaamku horumar weyn ayuu sameeyey dhulkaas, Harerna waxay noqotay xarunta Afaraad ee Islaamka laga fidiyo, marka lagareebo Makka, Madina, iyo Beytul quddus. 
Cadaawadda guunka ah ee Xavashida iyo Soomaalida udhaxaysaa halkaan ayey salka kuhaysaa, ilabaxnimadii Islaamka ee gobalaldaasna sikas ah ayaa lootirtiray, magaalooyin dhan ayaana aasmay, markii dadkiina lalaayey, wixii yaalleyna laboobay. Caasimaddii Harer, dadkii deggenaa badankoodii waalalaayey, gabdhihii waa laqaatay, masaahiddiina kaniisado ayaa laga dhigay. Illaa hadda minaaradihii waxaa lagu dhigay iskutallaabtii Xabashida, Xabashiduna weli waxay rabaan iney Soomali xukumaan. 
Macallinguure bloglost. 

No comments:

Post a Comment