Monday, April 22, 2024

sidii aannu ujabnay

In badan oo inagamidi, waxaa laga yaabaa inaanay garanayn waxa iskukeen diray, eennu iskunacnay ama iskunecbaannay. 
Markii aannu xukun-hoosaadka helnay, ee xornimada laynoo diyaarinayey, dadkii faradheerta ahaa ama lama goodlaha, 10% magaalo kamajoogin. Qabiilooyin waaweyn oo hadda layaqaanno, hebel iyo hebel ayaa magaalo kajoogay, oo yaqaannay sida magaalo loogu noolaado. Waxaa jira Qabiil inta layiri Xildhibaan keensada, qof soobaxa laga waayey, illaa inta hebel iyo hebel farta lagu fiiqay, laga baryey iney reerka metelaan, loona duceeyo, halka qaboillo kale ay iskasoo sharraxeen deegaanno aanay Ab iyo Isir toona ulahayn, oo dadka deegaankaasu layaabbanaayen iimaan la'aanta kudhacdy reer hebel, waayo dadkuba magaranayn waxa laraadinayo, iyo dawladnimo toona. 
Faradheertu waxay ahaayeen cidda kaliya ee Xornimo raadinaysay, iyagoo kaalmo kahelaya waxoogaa Reer Banaadir ah, culimmo qaaddiriyo ah iyo Soomaali ilbax ahayd, oo Reer Cadmeed ahaa. Soomaali badan ayaa Cadan waxkubaratay, kuwo badanna gumaystihii Ingiriiska ee Cadan haystay ayey shaqaale u ahaayeen, inkastoo ay reer Waqooyi ubadnaayeen, badankoodna waa soonoqdeen markii gobanimada laqaatay. Fanka Soomaalida casrigaa oo dhami Cadan ayuu ka imaaday, halkaasoo Cuudka ama kaban ka laga tumijirey.
Dhaqaale ahaan, faradheertu dalka waxba kumalahayn, marka lagareebo tuulooyin yar-yar oo xeebaha kuyaallay, waxaana dadka ugu ilbaxsanaa macaashley waxoogaa dhar iyo raashina Cadan iyo Hindiya kakeeni jirey. Dadka Ilbaxaa ee Soomaalidu waxay ahaayeen kuwo dalka soodegay, xilliyadii Islaamku soobaxay, kuwaasoo dhulka xewbahaa degay, Soomaalidana aan kumilmin. 
Soomaalidana aan kasheekaynayaa waa kuwa aan ka imaaday, ee xoolo-raacatada ah, ee Waranka dheer iyo labada go' ee cad-cad xiran jirey, gaashaanka kasamaysan haragga Wiyisha ee lamagdiyeyna dhudhunka usurnaan jirey. Waxay ahaayeen dagaal ujoog, waayo badan soojirey, oo ummado badan halligay. Waxaase aad loogaranayaa xilliyadii ay Islaameen, magacyada Carabiga ay labaxeen, badankoodna ay doorsoomeen, oo dhaqammadii adkaa ay katageen, markii layiri Ilaahey ma ogola in dhiigga xoolaha laxabbo, inkastoo ay dhicii xoolaha kahariwaayeen illaa maanta. 
Soomaalidaas aan kuusheegayo hanti aan xoolo-nool ahayn maanay haysan, geelubu hawgu dhumuc waynaadee. 
Dadkii noocaas ahaa, markii xornimada lasiiyey, wax dhaqaale ah oo ay dawlad kumaamulaan maanay haysan, waxaana hanti u ahaa waxoogaa canshuura oo laga qaado Moos ay ganacsato Talyaani ahi dhoofsato, warshado dhawra oo ganacsato Talyaani ahi ay lahaayeen, waxoogaa dukaammo ah ee Reer Banaadir lahaayeen, iyo suuqyada xoolaha iyo kuwa khudaarta. Suuqa horumarinta Reer Yurub ayaa iyaguna waxoogaa miisaaniyad ah kukabi jirtay. 
Waxaa kaleeto oo dawladdii curdankaahyd lagu caawiyey iskuullo, arday waxoogaa ahna waxbarasho dibadeed ayaa nalakasiiyey. Waxoogaa bilays iyo shaqaale dawladeed ahna waa laqaatay. 
Intaas ayeyba ahayd Dawladnimadii Soomaaliyed ee aan qaadannay, oo ay hoggaaminayaan xoolaleydii Faradheerta ee waqooyi iyo goballada dhexe ka imaaday, iyadoo dadkii reer koonfureedka ahaa, ee beeralayda ubadnaa, aanay aad ugaqayb-qaadan siyaasaddii Faradheerta ee waallayd. 
Durbadiiba khilaaf siyaaaadeed ayaa bilawday, iyadoo laysku qabsaday nacfigii yaraa ee jirey iyo kuraastii laysku baryijirey. Reer waqooyi oo kusoobiiray koonfurta oo waxoogaa nacfi ahi yaallay, waxay bilaabeen iney kashallaayaan midawgii labada gobol oo ay iyagu sabab u ahaayeen, waxayna kudoodeen in laga qadiyey Caanihii Maandeeq, ee ay Xamar keeneen, markiibana saraakiil reer waqooyi ah ayaa afgambi iskudeyey. 
Todobada sano kadib xornimadii dooroshooyin ayaa dhacay, kuwaasoo laqabtay xilligii aan dhashay, anigaan idinla hadlayaa, laba sano kadib, anigoo aan weli socod baran, waxaa ladily madaxweynihii Jamhuuriyadda, waddankiina waxaa ka dhacay qalalaase siyaasadeed, koox ciidammo ah, oo hoos iskalasocday, ayaana taladii dalka lawareegay. Doorashadii madaxweynaha lagu dilay waxaa loobaxshay Wood-khasaary, ciidamadiina jihadii waddanku usocdy oo dhan ayey beddeleen, waxayna keeneen Hantiwadaag, ama Communism, oo ahayd fikrad uu Ruushku faafiyey, dalal badan laga hirgaliyey, markii dambana laburburiyey, isagii iyo dalalkii qaatayba. Maanta Shiinaha ayaa waxoogaa kaga dhaqma. Waa nidaam ay dawladdu waxwaliba ay leedahy, dadkuna ay shaqaale yihiin. 
Lagasoobilaabo Xornimadii, Somalia cadaw ayey yeelatay; dalalkii deriska ee xoogga kuhaystay dhulalkii Soomaliyed, kuwaasoo kabaqayey siyaasaddii SYL ee Soomaaliweyn, taasoo ahayd in Soomaali meel laysugu keeno, waana calaamadda Calank buluuggaa ee shanta gees leh, ee utaagan Shantii Soomaaliyed ee gumaysigu uqaybiyey dalweynihii ummadda Soomaaliyeed xornimada ugu noolayd kumanaanka sano. Waxaa keeto cadaawadda ugu weyn uqaaday Jamhuuriyaddii curdanka ahayd boqortooyadii Ingiriiska, ee SYL kahiillisay, markii ay doorteen in Talyaanigu Xornimo gaarsiin doono, Qaramada midoobina ogolaatay. Ingiriisku wuxuu xilligaas gacanta kuhayey afar kamida Shantii gobol ee dhulkii Soomaaliyed, SYL na waxay doonteen Talyaani oo dagaalkii labaad kujabay, Koonfurta Somaliyana uu Ingiriis kaqabsaday. Khaladkii siyaasadeed ee Abid ay xoolalaydii Soomaaliyeed ay sameeyaan ayuu ahaa, boqortooyadii Ingiriiskuna waxay islamarkiiba bilawday iney majaxaabiso dawladdii curdanka ahayd, 1961 diina waxay bilawday iney maalgaliso ururkii Irirsamaale, ee ay Ismaaciil Jimcaale iyo Ina Ibrahim Cigaal ay samewyeen, silooga horyimaado xukunka Daaroodka, waa sida ay faafiyeene. 
Boqortooyadii Ingiriisku waxy ahayd dawladdii ugu horrysay, illaa iyo maanta faragalinta xun kuhaya Somalia, si aakhirka khariiradda looga waayo Somalia. Ingiriisku wuxuu maalgalintii ugu weynayd kubixiyey Jamhadihii SSDF, iyo SNM, sida uu qoray kornayl Cawil, oo xilligaa safiir ka ahaa Nairobi, AUN Abdilahi Yusuf Ahmed waxaa saldhig ugasameeyey Itoobiya sirdoonkii M16 ee Ingiriiska, maalgalintii ugu horraysay ee caalami ahna usameeyey. Abdillaahi Yusuf waxaa lasiiyey Taangiyo waaweyn, nimankii aqoonyahannada ahaa ee Jamhadda abuurayna waa la eryey. Abdillahi Yusuf wuxuu ogaa in SNM doonayso iney dalka kalaqaybiso, waana waxyaabihii ay kukala tageen SSDF iyo SNM, aakhirkiina Abdillahi Yusuf looxiray, jamhaddiina kuburburtay. 
Waxyaabaha ugu waaweyn ee shacabka Soomaliyed markasta lagu kicinayey, illaa maanta waxay ahaayeen nacfixumo, iyo reer hebel ayaa waxkasta qaatay, Somaliyana wax dhaqaale oo lasoosaaray majiro, xoolaha nool oo waxoogaa suuq ah looga helay mooyaane. Warshado badan ayaa dalka laga dhisay, laakiin mid siwanagsan ushaqaysay laguma arko. Warshaddii Sonkorta ee Jowhar markii laga qaaday ganacsadii ganacsatadii Talyaaniga, faa'iido waa keeniwayday, iyada ayaana lakabijirey, waxaa iisheegay Injineer shaqaale ka ahaa. Warshaddii hilibka ee Kismayo, Ruushka ayaa mallaay kubeddelan jirey, injineerro Ruusha ayaa waday, hilibkeedana ciidamada xoogga ayaa lagu quudin jirey. Warshadii Sonkorta Mareerey, iyo mashruucii bariiska Mugambo, mardambe ayey ahaayeen, oo dalkiiba kala daatay. 
Khaladkii ugu weynaa ee kacaanku sameeyey waxay ahaayeen;
_dagaalkii uu Itoobiya lagalay,
_dagaalkii uu Isaaq iyo Majeerten lagalay, 
_dadkii siyaasiyiinta ahaa ee uu xidh-xidhay, qaarna laayey,
_iyo dadkii reer miyiga ahaa ee uu magaalooyinka kusooxareeyey, halkii uu noloshooda hagaajin lahaa, 
_Ruushkii uu eryey, iyadoo dalkuna uu shuuciyahay, oo Ingiriis iyo Maraykan uyeertay. 
Guud ahaan, dalkeennii wuxuu uburburay waa fakhri iyo dhaqaale xumo illaa iyo maanta taagan, marka laga reebo faragalinta xun ee reer galbeedka iyo Carabtu inagu hayaan illaa iyo maanta, illaa waagaas, dalalka Carabta oo hortaagnaa soosaarist shidaalka Somalia, illaa maanta, kuwaaaoo lacag qaaraana siiya wadaadada Wahaabiga, Siyaasiyiinta, hoggaamiyaasha dhaqanka iyo madaxda maamul-gobaleedyada. 
Fashilka siyaasadda iyo dhaqaalaha Somalia waxaa eeddeeda iskaleh Xoolalayda faradheer ama lamagoodlaha looyaqaanno, waana sababta ugu weyn ee dagaalamyaasha AS dagaalyahanndoodu ugu badan yihiin qabaa'ilka beeralayda reer koonfueeedka, kuwaasoo isu arka in siyaasadda Somalia lagu dulmiyey. 

This is just a personal Analysis, if you see it as a bias report, it was not intentional. I love all Somali clans, and I wish them success. The military junta of 1969 are the ones who taught me, and made me successful. They ruined our country, but many of them were truly Somali, and they believed Somalism. There were many bad and ugly ones too. That's why they failed us. 

Dalmar Aden, independent social Analyst and Consultant. SVA. 


No comments:

Post a Comment