Thursday, April 18, 2024

damjadiid

Damjadiid waa siyaasiyiintii samaysmay Soomaalinimadii kadib. Markii Xamar lagu Kala cararay, ama lagu Kala adkaaday, Xamar waxaa isugu sooharay beelo gooniya, kuwaasoo gacanta kudhigay wax Allaale wixii latabcayey 100 sannadood iyo kabadan, awooddii dhammayd ee dalkuna gacanta ayey ugashay, maadaama oo dalku uu madax-kanool ahaa, oo Muqdisho kaliya lagaliyey wax Allaale wixii Soomaali ay maan iyo maskax haysay. Nasiib-darro, kumaysan guulaysan iney Soomaali dib isugu sooceliyaan, ama maba aysan doonayn in dib laysugu soonoqdo, waayo, dadkaan haddiiba lasoo celinayo, maxaa loo eryayey, taniyo maantana meeshii 1991 kii ayaa lakala taagan yahay, inkastoo dagaalladii tooska ahaa aanay hadda socon. 
1991, haddii qabiillo gooni ahi ay Xamar kaqaxeen, dadkii reer magaalka ahaa oo dhan, qabiilkii ay doonaan ha ahaadeene, ayaa Xamar isaga qaxay, markii ay waayeen adeegyadii dawladnimo ee ay ubarteen. Dadkii reer miyiga ahaa, ee kasoo orday tuulooyinka fog-fog, waxay fursad uheleen iney lawareegaan heerarka kaladuwan ee nolosha, haddii ay amni, ganacsi, siyaasad iyo waxbarashaba ay tahay, iyagoo kafaa'idaysanaya qaybihii caaddifiinta ahaa beelahooda. 
Damjadiid waa koox-siyaasadeedkii kasoo dhex baxay burburkii Muqdisho, dhimashadii Soomaalinimada, Waddaniyadda iyo dammiirkii ummaddu ay lahayd kadib. Waxay rumaysan yihiin in Soomaalida lasheegayaba ay iyaga yihiin, bulshada intooda kaleeto oo dhami ay yihiin danaystayaal, ummadda dulsaar ku ah. Waxay rumaysan yihiin in Soomaalidu ay Xamar kuqasban yahay, Federaalkuna uu yahay nidaam lagu goosanayo awood ay Xamar lahayd, oo aan sharci ahayn. Waxay kaleeto oo rumaysan yihiin in goballada oo dhan xoog lagu hooskeeni karo Muqdisho. Qaar badan oo iyaga kamida ayaa rumaysan inaan Muqdisho la'aabteed aanay nololi jirikarin, Puntlynna ay tahay dhul qorfe ah, oon nololi suurtogal ka ahayn, siyaasiyiintooduna meelkale aanay kunoolaan karin, Muqdisho maahee.
Inkastoo ay jiraan siyaasiyiin badan oo xog-ogaal ah, kooxdana kamid ah, iney maslaxaddooda ilaashadaan ayey kadoorbideen, iney runta sheegaan. Siyaasiyiinta da'da yar, ee kooxda kamid ahi, waxay kaliya oo fahmaan siyaasaddooda, ama tan xisbiga, wax dookh ama Option ah oo ay leeyihiin majirto, sidii xisbiyadii hantiwadaagga oo kaleeto, gar iyo gardarraba, iyaga ayaa islaqumman. 
Waxaan halkaan kaxusayaa siyaasiga CCW, oo jaalkiisa ama kooxdii uu muddo kamid ahaa, ama iskufikirka ahaayeen, ugadigay, cawaaqib xumada siyaasadaha indhahala' ee damjadiid. Kolleyba waa caqli iyo aqoon uu dadka dheeryahay, waana sidii Nebi Muuse, CS, uu tolkiis reer banu Israa'iil wanaagga ugu yeerayey, ayna kujees-jeeseen. Guul ayaan ayaan urajaynaa. Tolkaa waxaanay ogayn in haddii Soomaali kala dhilqato, oon ninna nin ugargaarin, ninna uuna bedbaadayn, awoodda Muqdishana ay ka imaato beelaha fog-fog ee hareeraha, marka kuwa deegaanku hafadaan! 

Dalmar Aden Seed, SVA. 











No comments:

Post a Comment