Wednesday, November 9, 2022

WAA SIDEE XAALKEENNU?

WAA SIDEE XAALKEENNU?
Dhibaatooyinka faraha badan ee noloshu waxay abuuraan nooc bulsho ah oo kakan, ama kaguurtay inta badan xeerarkoodii nolosha. Dadka Soomaaliyeed ee hadda kunool koonfurta Somalia, waxay kujiraan xaalad nololeed oo aad ukakan, waxaana laga yaabaa inaanay uharin inta badan waxyaabihii bulshadaasi xurmayn jirtay, ama xeerarka u ahaa, dhibaatooyinka nololeed ee lasoo dersay aawadood.
Haddii berigii hore ay qabyaaladdu ahayd dhibaatooyinka ugu waaweyn ee bulshada haysta, iyo dagaallada beelaha dhexdooda, maanta waxaa kadartay Diintii Islaamka ee dadku ubaxsan jireen marka ay dhibaatooyinka qabyaaladdu ay badato. Dhiigga ugu badan ee dhallinyarada Soomaaliyeed maanta wuxuu uqubanayaa magac diimeed, iyadoo aanay jirin dad cusub oo dhulka soodegay ama bannaanka inooga yimid. Ummaddii Muslimka ahayd kunka sano iyo dheeriga ayaa maanta dhiiggoodii iyo xoolohoodii waxaa lagu bannaystay magac diimeed, iyadoo lagaalaysiiyey, kadibna birta laga aslay.
Dadka koonfurta Somalia kunool, maanta makala garan karaan khalad iyo sax, cid ay aaminaan iyo cid ay cadaw kadhigtaan, haddii ay tahay Siyaasi, hoggaamiye Qabiil, hoggaamiye diimeed ama ganacsade. Kulligood waxaa loo arkaa dulmiilayaal, sababtoo ah, qofkii Soomaaliga ahaa mar waxaa loodilay qabiilkii uu ahaa dartiis, mar waxaa loodilay Diintii uu haystay darteed, siyaasigii, hoggaamiyihii Qabiilka, wadaadkii iyo ganacsadihiiba waa ay khiyaameen, waana kudanaysteen. Siyaasigii wuxuu samaystay saaxiibbo dibedda ah, si awooddiisa u ilaashado, hoggaamiyihii Qabiilka waa la iibsaday, oo ninkii lacag siiya ayuu raacaa, ganacsadihiina wuxuu dalka keenay cunto iyo daawo aan tayo lahayn, oo cudurro cusub laga qaaday. Cid waliba waa laga aammin baxay, dhinac loo carorana lama arko.
Bulsho nolol caynkaasa kujirta, oo nin waliba xabsi maskaxdiisu abuurtay uu kujiro, sidee ayaa xaaladdooda uga sheekayn karaan, kuwo aan kawarqabin, oo dibedda ka imaaday, siyaasado loosoo dhiibayna ay kuhirgalin karaan? Sidee ayaa kalsoonidii iyo aaminaaddii bulsho caynkaasa lagu soocelin karaa, iyadoo aan sixun looga faa'idaysan dulmiga ay bulshadaasi kudhex-jirto? Dadka Soomaaliyeed ee koonfurta kunooli, waxay ubaahan yihiin iney dib uqiimeeyaan xaaladda rasmigaa ee ay kudhex-jiraan, iyo sidii ay xal iga ka imaaday kugaari karaan?
Suufi Cawl, lataliye madax-bannaan

No comments:

Post a Comment