Thursday, November 24, 2022

DHALLINYARADA CUSUB

Dunida aynnu kunool nahay, xilli waliba waxaa usookaca jiil cusub oo nolosha iyo waayaha dunida wax kabeddela.
Dalkeenna hooyana dunidaas ayuu kamid yahay, laakiin dalalka adduunku waa kala dad wanaagsan yihiin, waana kala nasiib badan yihiin.
Waayadii dambe, dalkeenna waxaa kuhabsatay, waxaana kaharnay dunida, dhinac kasta oo nolosha ah. Sababuhu aad ayey ubadan yihiin, laakiin waxaa asal u ah, jiilkii xilligaas hoggaanka uhayey ayaa guuldarraystay, markii ay maarayn waayeen dhibaatooyinkii siyaaso-dhaqaale iyo kuwii deegaan-siyaaso ee dalka kudhacayey.
Sidaas daraadeed, dhibaatadii ugu xumayd ama saamayntii ugu xumayd waxy dhacday dhallinyaradii cusbayd, ee ay ahayd iney hoggaanka dalkooda lawareegaan. Inkastoo muddo dheer uu dalkeennu kamaqan yahay saaxadda siyaasadeed ama dhaqaale ee dunida, dalkuna uu maxmiyad caalami ah galay, haddana xaalado badan kuwaan hadda kaqallafsan ayaa laga soogudbay.
Waxaa dhintay, barakacay ama dibedda uqaxay intii badnayd dadkii kunoolaan jirey jamhuuriyaddii xorta ahayd ee Somalia la oran jirey. Marka laga reebo dadka reer miyaga ah, oo aad tiradooda iyo tayadooduba uyaraatay, majirto ama aad ayey uyaryihiin qoysas Soomaaliyeed oo sinabada ugu negaaday halkii ay degganaayeen wixii kadambeeyey 1991, xilligaas oo ay meesha kabaxday dawladdii dhexe ee jamhuuriyaddii xorta ahayd ee Somalia. Dadka ugu badani waa kuwa dalka gudohiisa kubarokacay, dalalka deriska ah xeryo looga furay, Yurub iyo Maraykan uqaxay, ama badaha kuqarraqmay. Dadkaasi haddii laysku daro, waxay kabadan yihiin kuwii kunegaaday degaamadoodii ay hore ugu noolaayeen, gaar ahaan Magaalooyinka iyo dhulkii Beeraha, oon hadda jirinba, ama aad uyar.
Dhallinyaradii kusoo aaday waqtiyadaas 40 ka sannadood ah, intii ugu badnayd naftoodii ama dadkii ay jeclaayeen ayey kuwaayeen dagaalladii iyo dawlad la'aantii dalkeenna kuhabsatay muddadaas dheer. Qaarkood waa kucayroobeen, qaarkoodna dhimirkooda ayaa xumaaday, oo siwanaagsan umafikirikaraan, ama dharka ayeyba tuureen, oo qashinka ayey waddooyinka ka aruuriyaan.
Marka aan usoonoqonno inta isuhaysata iney kasamata baxday dagaalladii sokeeye, lagana reebo kuwii waqtigoodii kuwaayey dawladla'aanta, oo hadda odayoobay, waa kuwa ay hadda qormadaydu ay kusaabsan tahay, marka loo eego dhallinyaradii iyaga kahorreysay, ee kusoo kifaaxay dawladnimada iyo rajada.
Marka ugu horraysa, majirto, ama aad ayey uyartahay waxa kadhexeeya ee ay wadaagaan, ama  aad ayey uyaryihiin, marka laga reebo da'da ama xilliga ay dhasheen, oo dhib iyo tacab ahaa.
Waxaa ugu daran, haddii ay dhallinyaradii hore kunaalooon jireen Hal dal, Hal calan, Hal dawlad, Hal madaxweyne, Hal diin, ama Nabad iyo degganaansho, kuwaani intaas oo dhan mahaystaan ama mawadaagaan. Waxaa samaysmay calammo iyo calaamado dawlad goboleedyo, iyo madaxweynayaal maamul goboleedyo, qaarkood ka awood badan yihiin madaxweynaha sheegta inuu kulligood xukumo. Haddii berigii hore dadku ay kulligood Muslimiin ahaayeen, maanta gaal ahaan ayaa laguu dilayaa, xittaa haddaa kudhawaaqaysid inaad Muslim tahay, ama aad ashahaadanaysid. Culimmo waaweyn ayaa xittaa gaal ahaan loodilayaa.
Marka siyaasadda oo lagu kala tagay laga reebo, oo dhaqanka iyo caadooyinka loosoo noqdo, dhallinyaradaani waxy kaliya oo kasiman yihiin dhanka Qabiilka. In qofkasta oo dhallinyaro ahi uu leeyahay qabiil ugooniya iyo maamul goboleed ugooniya, oo mararka qaarkood aan lakala garanayn (maamul goboleedyadu waxy usamaysan yihiin qaab Qabiil).
Dhibaatada kaleeto oo dhallinyarada cusub ay wejehayaan waxy tahay, iyagoo kukala qaybsan fikirka iyo wacyiga, inkastoo ay Hal waddan, Hal maamul goboleed ay kuwada nool yihiin, ama Hal qabiilba kasoo jeedaan. Sida aan ognahay, Qabiilku wuxuu inta badan kamidaysan yahay Xumaanta, ama sida Qabiillada kale laysaga celiyo ama loodulmiyo, laakiin waa yartahay Qabiil iskuraacsan waxyaabaha wanaagsan, ama xittaa siyaasi wanaagsan sooxulan Kara. Dhallinyarada maanta waxay kasoo kala baxeen dugsiyo kala duwan oo ay kujiraan kuwa quraanka iyo kuwa iskoolladuba. Waxaase kala duwan Macalimiinta, waxa ay dhigayaan, iyo sida ay udhigayaanba. Inkastoo macallinka kuudhigaya Qur'aanka uu raacayo kitaabka Quraanka, laakiin sida uu kuugu sharraxayo, ama Aayadaha Qur'aanka ee uu sooxulanayo, ayaa saamayn Gaara yeelan Kara. Iskoollada laftigooda, kuwa kasoo baxay xeryaha qaxootiga Kenya, kuwa qurbaha Yurub iyo Amerika kasoobaxay, iyo kuwa dalka gudihiisa kasoobaxay, wax shaqo ah iskuma laha, oo qaarkasta waxaa loosawiray duni nooc kaleeto ah. Kuwa dalka gudihiisa waxkubarta xittaa aad ayey ukala duwan yihiin.
Muddooyinkii dambe, dugsiyada waxbarashada waxay gacanta ugu jiraan ururro diini ah, oo kulligood dibedda laga maalgaliyo, qaarkoodna khatar yihiin, oo fikrado xagjir ah ardada karaarida.
Maanta aad ayey u adagtahy in dhallinyada Soomaaliyeed ay naftooda uhuraan calankooda iyo ciiddooda, waxaase aad ufudud inuu naftiisa uhuro wax aanu garanayn, oo uu kugu jihaado, adiga oo Muslim ah, oo uu kudilo, isagoo uhaysta inuu kugu janno tagayo. Haddii Aabbahay lasoo noolayn lahaa, oo aan uga sheekayn lahaa xaaladda jirta, markale ayuu iska dhiman lahaa, qarracan awgiis. Waxaase sheekadayda dhegaysan lahaa AU Awowgay Shirwac Guuleed, oo sidirqi ah kaga bedbaaday xasuuqii Ina Cabdille Xasan, oo waday Jihaadka maanta dalkeenna kajira oo kaleeto. Waxaanse xasuuqaas kabedbaadin, qoyskii iyo eheladii, AU Ayeyday Cawrala Buraale, oo kulligood ay Daraawiish laysay, labo hablood oo cararay mooyaane.
Ilaahey haw gargaaro dhallinyarada cusub ee maanta dalkeenna kajirta, kuwaasoo aan haysan wax ay wadaagaan, oo ay naftooda uhurikaraan, diffaaca iyo dalkooda iyo diintoodaba dhahoo, waayo waysku khilaafsan yihiin, waxaana uga qiima badan Qabiilkooda iyo Siyaasigooda tuugga ah, oo ay laqaybsadaan waxa uu soodhaco.

Suufi Cawl, Somali Consultant and Independent Researcher and Trainer.
Reach me at samotalis2018@gmail.com

Friday, November 18, 2022

HABKA NOLOSHA WAQTIGAAN

Inkastoo aanay maanta jirin wasaarad tirokoob, oo aan siqumman loo ogayn tirada hab-nololeedyada dadka Soomaalida ah ee maanta, haddana waxaa laqiyaasi karaa xaddiga sida lookala joogo.
Taniyo intii Qaran-jabku uu dhacay, waxaa iskumilmay hab-nololeedyadii layaqaannay, sida xoolaley, beeraley, kallumaysato iyo reer magaal.
Maanta lama kala garan karo reer magaal iyo reer baadiye, reer magaal iyo kallumaysato. Waxaa soobaxay hab-nololeed cusub oo looyaqaanno Barakacayaal, ama qaxooti dalkoodii jooga, laakiin deegaankoodii gaarka ahaa kaguuray, sababo amni ama dhaqaale. Dadkaasi barakacayaasha ahi, oo nolol aan wanaagsanayn kuhaysta magaalooyinka, waxy markodii hore ahaan jireen xoolaley, beeraley, ama isku jir, beeraley xoola haysta.
Guud ahaan, inta badan dadka Soomaalidu waxy weli kunool yihiin miyiga, xoolo aan badnayn haysta, ama beero yar-yar ama deegaanno aan magaalooyinka kadheerayn, noloshooduna waxy aad ugu xiran tahay magaalooyinka. Waxy sidii reer magaalka oo kale, karsadaan cuntooyinkii magaalooyinka lagu yaqaannay, sida Canjeerada, Bariiska, ama baastada, halkii ay awaltoole kutiiraanaan jireen cadka iyo caanaha, ama miraha Soomaalidu beerto, sida Moordiga ama masaggada, galleyda, iyo digirta.
Magaalooyinka Soomaalidu aad ayey uballaarteen, waxaana samaysmay magaalooyin badan oo noloshii reer magaalku kudhantahay, sida Kismayo, Baydhabo, Belet weyne, Guriceel, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Garowe, Burco, Gabiley, Boorame iyo Boosaaso, kuwaasoo aweltoole ahaa tuulooyin waaweyn, oon lahayn adeegyada nolosha oo dhammaystiran. Magaalooyinkaas waxaa maanta kajira waxkasta oo lagaheli karo magaalooyinkii hore ee Muqdisho iyo Hargaisa, sida waxbarashada, cusbitaallada, bankiyada, ganacsiga, isgaarsiinta iyo shaqooyinka dawladdaba.
Qiyaas ahaan, maanta dadka kunool magaalooyinka waaweyn ee Soomaalidu kama Yara kuwa Miyiga. Waxaa aad uyaraaday beeralayda Soomaalida, oo ay aad usaamaysay colaadihii Somalia, maadaama oo aanay adkaysi badan ulahayn colaadaha, sida xoolalayda, oo guura marka ay naftooda ubaqaan. Nasiib darro, dadka barakacayaasha ee magaalooyinka waaweyn ay ubadan yihiin beeralaydii hore ee Soomaalida, kuwaasoo soosaari jirey cuntadii ay Soomaalidu kutiirsanayd. Soomaaliya waxaa maanta laga cunaa cuntooyin tayadoodu liidato, waxaana aad ubatay cudurrada aan hore loo aqoon jirin, sida kansarka, Sonkorowga iyo dhiig-karka, oo aad ufarabatay, dad badanna ay maanta lanoolyihiin, ama ugod-galeen.
Waxaa kaleeto oo yaraaday kalluumaysatada, iyadoo aanay jirin warshado kalluunka hagaajiya, ama suuqyo diyaara oo lageeyo. Waxaa iyana aan aad uweynayn suuqa dalka gudihiisa, iyadoo aad loo isticmaalo hilibka geela, oo meelo fog-fog laga keeno, sida Etoobiya. Geela ugu badan ee Soomaalidu wuxuu maanta kunool yahay dhulka Soomaalida Etoobiya.
Mustaqbalka waxaa lafilayaa in tirada Geela Soomaalidu uu aad uyaraado, dhawr sababood aawadood. Isticmaalka hilibka geela oo badan, dibedda oo loo dhoofiyo, geel jirihii oo yaraaday, iyagoo askarinimo qortay.
Dhibaatada ugu weyn ee hab-nololeedka Soomaalidu waxy ka imaanaysaa beeralaydii oo sii yaraaday, iyadoo aanay muuqan qaab dib loogu abaabulayo dadkii barakacayaasha ee dhulkoodii kasoo cararay. Mararka qaarkood waxaad arkaysaa in ladhiirrigalinayo in beeralaydu kaguuraan dhulkooda, iyadoo lacag laydiinayo ama kaarar NGO lasiinayo. Taasi waxy niyad jab ku abuurtay beeralayda, oo sitoosa loo abbaaray.
Guud ahaan, mustaqbalka xoolalayda iyo beeralayda Soomaalidu waxy wajahayaan khatar caddaan ah, waxaana dadkii kusoo ururayaan magaalooyinka, halkaas oo ayna jirin adeegyo caafimaad, waxbarasho, oo la awoodikaro ama aan tayo lahayn. Waxaa kaleeto oo aan jirin shaqooyin, iyadoo aanay jirin maalgalin dawladeed iyo kuwo shirkado toona. Taasina waxy keentay in dhallinyaradu ay kubiiraan kooxaha dagaallama, ee dhinacyada dawladda, kuwa diimaha sheegta, kuwa shirkadaha. Dhallinyada qaarkoodna waxy doorbidaan iney iska tahriibaan.
Guud ahaan mustaqbalka dalku aad ayuu uliitaa, horumarka siyaasadduna aad ayuu liitaa, dalkana kama jirto dawlad wada maamusha. Kartida maamul goboleedyadu aad ayey uhoosaysaa, waxyna ladaalaa dhacaan sugidda amniga.

Monday, November 14, 2022

AQOON YAHAN DAACADA

Dalkaan waxaa kaliya oo bedbaadin kara, aqoon-yahanno madax-bannaan, oo Qabyaalad iyo gacmo shisheeyaba kafiyoow, kuwaasoo naftooda uhura sidii aanay dadkaani uciribgo'i lahayn, maamul loosiman yahayna uga hirgalin lahaayeen. Somalia maanta lagama helayo dad dhexdhexaada oo la aamini karo, Qabiilkastana waxy shisheeyuhu kudhexbeerteen aqoon-yahanno iyaga daacad u ah, oo rabitaankooda kushaqeeya. Qabiilkasta hoggaaminta ayaa laga galay, dadkii cuqaasha ahaa ee talada lawaydiin jirayna maanta lama arko. Wiilal yar-yar oo meelay kayimaadeen aan lagaranayn ayaa meelkasta ordaya. Aqoon-yahanno daacada ayaa dhibtaan naga saarikara. Waad arkaysaan waxa nagu dhacaya.

Wednesday, November 9, 2022

WAA SIDEE XAALKEENNU?

WAA SIDEE XAALKEENNU?
Dhibaatooyinka faraha badan ee noloshu waxay abuuraan nooc bulsho ah oo kakan, ama kaguurtay inta badan xeerarkoodii nolosha. Dadka Soomaaliyeed ee hadda kunool koonfurta Somalia, waxay kujiraan xaalad nololeed oo aad ukakan, waxaana laga yaabaa inaanay uharin inta badan waxyaabihii bulshadaasi xurmayn jirtay, ama xeerarka u ahaa, dhibaatooyinka nololeed ee lasoo dersay aawadood.
Haddii berigii hore ay qabyaaladdu ahayd dhibaatooyinka ugu waaweyn ee bulshada haysta, iyo dagaallada beelaha dhexdooda, maanta waxaa kadartay Diintii Islaamka ee dadku ubaxsan jireen marka ay dhibaatooyinka qabyaaladdu ay badato. Dhiigga ugu badan ee dhallinyarada Soomaaliyeed maanta wuxuu uqubanayaa magac diimeed, iyadoo aanay jirin dad cusub oo dhulka soodegay ama bannaanka inooga yimid. Ummaddii Muslimka ahayd kunka sano iyo dheeriga ayaa maanta dhiiggoodii iyo xoolohoodii waxaa lagu bannaystay magac diimeed, iyadoo lagaalaysiiyey, kadibna birta laga aslay.
Dadka koonfurta Somalia kunool, maanta makala garan karaan khalad iyo sax, cid ay aaminaan iyo cid ay cadaw kadhigtaan, haddii ay tahay Siyaasi, hoggaamiye Qabiil, hoggaamiye diimeed ama ganacsade. Kulligood waxaa loo arkaa dulmiilayaal, sababtoo ah, qofkii Soomaaliga ahaa mar waxaa loodilay qabiilkii uu ahaa dartiis, mar waxaa loodilay Diintii uu haystay darteed, siyaasigii, hoggaamiyihii Qabiilka, wadaadkii iyo ganacsadihiiba waa ay khiyaameen, waana kudanaysteen. Siyaasigii wuxuu samaystay saaxiibbo dibedda ah, si awooddiisa u ilaashado, hoggaamiyihii Qabiilka waa la iibsaday, oo ninkii lacag siiya ayuu raacaa, ganacsadihiina wuxuu dalka keenay cunto iyo daawo aan tayo lahayn, oo cudurro cusub laga qaaday. Cid waliba waa laga aammin baxay, dhinac loo carorana lama arko.
Bulsho nolol caynkaasa kujirta, oo nin waliba xabsi maskaxdiisu abuurtay uu kujiro, sidee ayaa xaaladdooda uga sheekayn karaan, kuwo aan kawarqabin, oo dibedda ka imaaday, siyaasado loosoo dhiibayna ay kuhirgalin karaan? Sidee ayaa kalsoonidii iyo aaminaaddii bulsho caynkaasa lagu soocelin karaa, iyadoo aan sixun looga faa'idaysan dulmiga ay bulshadaasi kudhex-jirto? Dadka Soomaaliyeed ee koonfurta kunooli, waxay ubaahan yihiin iney dib uqiimeeyaan xaaladda rasmigaa ee ay kudhex-jiraan, iyo sidii ay xal iga ka imaaday kugaari karaan?
Suufi Cawl, lataliye madax-bannaan

Thursday, November 3, 2022

Dagaalkii Barakaysnaa


Qarnigii 17aad, xilligii ay reer galbeedku bilaabeen horumarkii warshadaha iyo sayniska, xukunkii kaniisaddana ay kahoos baxeen, waxaa caqabad kunoqday Khaliifadii Islaamka ee fadhiday Turkiga, Yurubtii Barigana gacanta kuhaysay.
Xilliyadaas oo dawladihii reer Yurub ay samaysteen hub waaweyn, waxaa kadhex bilawday isgaashaan-buuraysi iyo iscolaadin. Dawladdi khilaafada Islaamku waxay qayb kanoqotay isgaashaan-buuraysigaas, iyadoo raacday Jarmalka, oo labo dagaal oo waaweyn Yurub kadhaliyey, loogana guulaystay.
Dagaalladaas dhibaato weyn ayaa kasoo gaartay khilaafadii Islaamka, illaa khilaafadii Islaamka oo dhan meesha laga saaro, dawladdii Turkiga ee fadhiga u ahaydna laga dhiso dawlad dimiqraaddi ah, oon diinba shaqo kulahayn. Waxaa kaleeto oo dhibaato weyn ay kasoogaartay Diintii Islaamka, iyadoo ay abuurmeen kooxo mucaarid ku ah khilaafadii Islaamka ee Turkigu hoggaaminayey, kuwaasoo ka abuurmay dawladihii Khalijka Carabta, oo u arkayey in Turkigu uu ahaa gumaysi Diinta kugabbada.
Kooxahaas cusub oo magacyo kala duwan labaxay, laakiin kamidaysnaa ladagaalankii Khaliifadii Islaamka ee Turkigu hoggaaminayey. Dhammaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee maanta kadhex dagaallama dalalka Muslimka, sida Somalia, waxay salka kuhayaan kooxihii waagaas samaysmay, ee meesha kasaaray khilaafadii Islaamka ee looyiqiin Cismaaniya ama Ottoman Empire. Sheekhii ugu weynaa ee Marjica u ahaana (Ibnu Taymiya), wuxuu dhintay isagoo kujira Xabsi ay galisay khilaafadii Islaamka ee Cismaaniya.
Kooxahaasi waxy markii hore ee ay abuurmayeen ay taageero kaheleen dawladihii reer Galbeedka, kuwaasoo dagaal xun kulajirey dawladdii Cusmaaniyada, ee khilaafadii ugu dambaysay ee dunida kajirta. Waxyaabaha yaabka leh waxy yihiin, in illaa maanta uu jiro xiriir ay reer galbeedku laleeyihiin koox kasta oo Islaami ah oo dunida Islaamka kajirta.