Saturday, April 29, 2017

Boqol sannadood

Boqol sano ayaan waddankaan difaacaynnay. Dad badan ayaa umaleeya In waddankaan aan ciyaar ciyaar kuhelay. Boqollaal sano ayaa dadkeennu Udhimanayeen iney diraacdana dalkaan, waxaana ladhihi karaa taasi waa Sababta aan dadka ugayaraannay. Soomaalidu waxay waligood diyaar u Ahaayeen iney dalkooda udhintaan. Dadyawgii damcay dhulka Soomaalida Way farabadnaayeen, waxaana ugucaansanaa Xabashida, Bortaqiiska, Ingiriiska, talyaaniga, iyo faransiiska. Carabtu waxay kugabbanaysay Diinta Islaamka, dagaalladaasna qayb ayey kaqaateen, waliba dagaalladii Xabashida lalagalay. Inkastoo ay Soomaalida dhexdeeda xitaa dagaallo badan kajireen oo Ay is gumaadi jireen, haddana marka cadaw shisheeye imaado waa Israaci jireen oo hal meel ayey cadawga ugasoowadajeesan jireen.
Dad badan ayaa qaba iney ahaayeen dad dagaal jecel oo markasta
Dagaal kujirey, hadday waayaan ciday ladiriraan iyagu isbaabi'in jirey.
Majiro qoys Soomaaliyeed oon qaar kamid ahi aanay dagaal kudhiman.
Dadka qaar ayaa qaba in Soomaalidu dagaal kunool ahaayeen oo ay
Dhaqankooda ahayd iney dagaallamaan oo xoog isugufaanaan. Haddii
Damacno inaa raadiso dagaalladii ay dhexdooda galeen, waxaa kugu
Dhacaya yaab iyo amakaag. Imisa qabiil ayaa laciribtiray, imisa ayaa
Kudhawaaday iney tirtirmaan, xisaab maleh. Waa sababtaas ayaa
Keentay inlagumurmo ciddii dhulka degganaan jirtey oo Soomaalida
Kahorreysay. Tusaale ahaan, dadyawgii waqtiyadii dambe laciribtiray
Waxaa kamid ahaa dadkii ay ubixiyeen Gaalo Madaw, oo xaqiiqo ahaan
Kakoobnaa qabiilooyinkii Soomaalida ahaa een Muslimin. Xoolohoodiina
Waaladhacay, carruurtii iyo dumarkiina waalaqaatay, raggiina wax lalaayey
Iyo wax dhulka Oromada uqaxay ayey noqdeen. Illaa iyo hadda waxaa dhulka
Oromada lagahelaa dadyaw Soomaaliya oo waahore dhulkoodii lagasloqaxshay.waxaa kaleeto oo Soomaalidu illaa hadda kasheekaysaa dagaalladii Aji iyo Ajuuraan, oo Ajuuraan dalka loogakacshay. Ajuuraan wuxuu isna kubiiray dadyawgii kaleeto oo Soomaalida ahaa ee hore dalka loogakacshay ee galay Hawdka dhulka Oromada. Oromada oo ay aad Soomaalida isugu udhawyihiin xagga dhaqanka iyo dhalashadaba, waxaa fudud in Soomaalidu dhexgasho oo kumilanto, inkastoo waayadii dambe ay colaad kadhex abuurantay Soomaalida iyo Oromada. Waxaa kaleeto oo jirey dadyaw Oromo ahaa sida Booranta oo iyana hoos looriixay, inkastoo Boorantu ay dagaal kululeed oo Soomaalida ay dagaallo xun oo lagu hoobtay ay lagaleen. Illaa hadda qabiillada Soomaalida ee dariska la ah Booranta aad ayey isulaayaan!
Waxaa kaleeto oo qixii ugu darnaa uu dhacay xilligii daraawishta, ee sayidku hoggaaminayey. Xilligaas sayidku wuu laayey, xoolohoodiina wuu dhacay dhammaan qabiilooyinkii aan dagaalkiisa lasafan. Dadkii dhulkaa hawdkaa degganaa waxay uqaybsameen kuwo Ingiriiska lasaftay, kuwo dalka isagaqaxay oo Oromo ugalay, IYO kuwo isaga lasaftay. Aakhirkiina markii isaga laga adkaaday Oromo ayuu uqaxay oo halkaas ayuu kudhintay.
Waxaa kaleeto oo iyana labaatan iyo lix sano kahor lagasaaray Daaroodka koonfurta Soomaaliya oo dhan, illaa ay dawladaha deriskaa soocaawiyeen oo dib usoo noqdeen. Dawladaha deriskaa ayaa waxaa kunool dadyaw Daarooda oo Ingiriisku raaciyey dawladaha Itoobiya iyo Kenya, sidaas ayey kaalmo ugaheleen oo dib ugusoonoqdeen goballada jubbooyinka iyo Gedo oo awel lagasaaray. Arrintaasi wali dhibaato dibuheshiisiineed ayey kuhaysaa dawladda cusub ee Soomaaliya inkastoo dhawr dawladood oo dibuheshiisiineed ladhisayey. Wali maysan dhammaan colaaddaas, daaroodkiina wali kumaysan laaban meelo badan oo koonfurtaa ooy hore udegganaayenn intii aanay dagaallada sokeeye bilaaban. Waxaa ugu daran oo muranka ugu badani hadda kataaganyahay magaalo madaxda oon weli heshiis lagu ahayn oo Hawiye sheeganayo iyo goballada jubbooyinka oo Hawiye lagabarakiciyey, haddana ay Daaroodku gacanta kuuhayaan!. Dhibaatooyinkaas waa waxyaabaha qarsoon ee illaa hadda dabada haysta dawlad Soomaaliyeed oo dib u istaagta.
Iyadoo ay dhibaatooyinkaas oo dhami jiraan oo Soomaalidii ay kuwiiqantay dagaallo dhexdoodaa oo hadda dalku ukalaqaybsanyahay dawlad goboleedyo ama dawlad qabaleedyo yar yar, ayaa haddana waxaa dalka lagusooqaaday siyaasadeed iyo mid ciidameedba. Waxaa dalka dhexdiisa laga abaabulay dagaallo aan lagaranayn ujeedada lagaleeyahay oo magac Islaam wata, iyo dawlado waaweyn iyo kuwo derisa oo sitoosa usoofaragashtay Soomaaliya.  Soomaaliya waxaa lawaayey cid saaxiib la ah, hadday noqoto dawladihii deriskaooyna awelba xiriir fiican lahayn, dawladihii Carabta oo ay diin wadaagga ahaayeen iyo kuwii reer yurubba. Dawladaha Itoobiya, Kenya, Sacuudi Arabia, Imaaraadka, Mareekanka, Ingiriiska iyo Turkiguba waxay sitoosa usoofaragaliyeen arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Kulligood waxay waddanka kadhexsameesteen ciidammo iyaga ka amarqaata, waddankastana muusan qarsan baahida dhuleed ee uu Soomaaliya uqabo. Qaarkood waxay doonayaan iney goostaan qaybo muhiima oo dalka kamida, qaarkood dekedo ayey rabaan iney ladhistaan, qaarkood kalluun ayey karabaan, qaarkood dhul beereeed ayey karabaan, qaarkoodna shidaal ayey rabaan iney kaqotaan. Soomaaliya waxay noqotay dhul aan cidina lahayn, dadkiisiina qabiillo isneceb oo isciribtira ayey noqdeen!
Ujeeddada ugu weyn een qoraalkaan kaleenahay wuxuu ahaa ineysan Soomaalidu dhulkaan qaaligaa aysan ciyaar ciyaar kuhelin ee ay kumanaan sano naftooda usoohurayeen oo waran afka dhiig kuleh ladhexjoogeen. Haddii marka ladhaafay xilligii waranku ugu weynaa waxa lagudagaallamo, Soomaalidu haatan waa faramarantahay oo hub casriya mahaysto, haseyeeshee waxay ujeedaan sida ay dalkooda ugalayaan dadyawgii ay waranka caaraddiisa kagasaareen! Haddiina ay maanta Soomaalidu haysan lahayd hubka wax gumaada ee nuclearka, Somalia waxay noqon lahayd kuuriyada waqooyi ee Afrikada Bari. Maalin walba waxay gantaal tijaabo ah dulmarinlahayd badda Hindia oo waagii hore la oran jirey badda Soomaaliya. Waa in dawladaha boobaya dhulka Soomaaliyeed ay maanka kuhayaan iney dhalan doonaan jiil cusub oon war uhayn colaadda dhexdoodaa oo ku indhoqaadidoona dalkoodii oo laqaybsaday.

Wednesday, April 26, 2017

Salafiya

Salafiya
dad badan ayaa markay maqlaan salafiya waxay badanaa xusuustaan kacdoonkii diineeed e Soomaaliya kabilawday xilliyadii dambbe ee sideetameeyadii, inkastoo ay jireen dhawr qof oo fikirkaas watay balse qarsanayey. Fikirkaan salafiya waxaa lootiriyaa shiikhii la oran jirey ibmu taymia. Waxaa uu noolaan jirey muddo saddex qarni haatan lagajoogo, xilligaas ooy dunida muslinka katalinaysay dawladdii cismaaniyada oo xaruntedu ahayd dalka turkiga.xilligaas xadaaradda islaamku mel sare ayuu gaaray wuxuuna horseed kanoqday daahfurka cilmiga xisaabta, cilmiga badaha, cilmiga caafimaadka iyo falsafadda. Wuxuu horseed u ahaa aqoonta yurub, jaamacasdihii uhorreeyeyna waxaa lagudhigi jirey buugaagtii ay qoreen culimo muslimiina.
Inkastoo haddana ay jireen waxyaabo badan oo ilbaxnimadaasi kentay ooyna jeclaysan culimo badan oo rabay ineysan diintu xadka kabixin oo lagu ekaado waxyaabihii uu nebi maxamed layimid naxaiisi kokiisa haahaatee. Qolooyinkaas waxay ubaxsheen waxyaabihii cusbaa ee kusookordhay nolosha muslimiinta bidco, oo micneheedu yahay wax diinta iyo dhaqanka islaamka kusookordhay, waxayna labaxeen salafiya, oo micneheedu yahay wixii tagay, ama sidii ay nbiga iyo asaxaabtiisu unoolaan jireen.
Halkaas waxaa kabilawday iskudhac xagga fikirka oo kadhex aloosmay muslimiintii sunniga ahaa dhexdooda. Waxaa kaleeto oo xilligaas siiliicaayey awooddii iyo saamayntii dawladdii cismaaniyiinta, waxaana kor usookacayey awooddii reer galbeedka oo dunida weerar ku ahaa. Afkaartii reer galbeedka oo markaa kaxoroobayey xukunkii kaniisadda, oo ay horsocdaan hantigoosadka iyo dimuqraadiyadda, waxay khatar weyn u arkeen dawladdii cismaaniyiinta oo waagaas katalinayey dhul aad uballaaran, ooy ku jirto yurubta bari. Reer galbeedka waxaa markaa horseed u ahaa boqortooyadii ingiriiska oo adduunka rubuciis qabsatay ama qabsan rabtay. Ingiriisku wuxuu cadaawad u ahayey dawladdii cismaaniyiinta sababtoo ah cismaaniyiintu waxay gacansaar la ahaayeen dawladdii jarmalka oo ay ingiriiska tartamayeen. Waxaa kaleeto oo jirtay in cismaaniyiintu ay haysten dhulkii barakaysnaa oo ay danaynayeen sahyuuniyaddii oo rabay in dhulkii barakaysnaa dib loogucelsho yuhuudda.
Waxaa kaleeto oo jirtay in fikirkii ibnu taymiya uu kufaafay gobalka najdi ee carabtu ubadnayd ee dalka sucuudiga. Halkaan waxaa kabilaabmay kacdoon carbeed oo loogasoohorjeedo cismasniyiinta, waxayna u arkayeen in xukunkii islaamka ee carabtu xaqa ulahayd ay lawareegeen
niman turkiya, sababtoo ah madaxdii cismaaniyadu waxay ubadnaayeen turki, waxayna u arkeen iney xaq tahay in lagaxoreeyo dhulka barakaysan.
Halkaas waxaa kabilawday markii uhorraysay isgarabsigii ingiriiska iyo qabaa'ilkii carbeed. Ingiriisku waxay bilaabeen iney tabobaraan oo hubeeyaan qabaa'ilkii carbeed, oo ay horseed uyihiin dhallinyaradii wahaabiyada iyo qabiilkii reer aalasucuud ee nejdi degenaa. Waxaa dhacday in dawladdii cusmaaniyada laga qabsaday goobihii barakaysnaa, waxaana halkaas lagu laayey jifadii nebigu kadhashay ee haashimiyada, kuwaas oo hayey furayaashii xaramka makka. Dagaalkaas wuxuu beddelay taariikhdii Islaamka, waxaana xaramkii islaamka maamulkiisii lawaregay Wahaabiyada, oo qayb ka ah salafiyada. Waxaa kaleeto oo dunidii Islaamka qabsaday ingiriiska iyo faransiiska oo xiriir fiican laleh Islaamka cusub oo lasiiyey xukun hoosaad, halkaasna waxaa kudhammaaday khilaafadii islaamka, waxaanan soobaxay islaam cusub oo reer galbeedku saamayn weyn kuleeyihiin. Islaamku wuxuu markii dambe isubedelay xoog ay reer galbeedku leeyihiin oo u adeegsadaan ladagaalanka shuuciyada, waxaana islaamka reer galbeedka ahi kaxoreeyey ruushka waddankii afgaanistaan oo jab weyn loogugeystay, iyadoo la adeegsanayo lacagtii betroolka carabta iyo hubkii reer galbeedka.
Markii reer galbeedku kasoojeesteen dagaakii afgaanistaan, waxaa ciidamadii latabobaray ee mujaahidiinta lagufaafiyey dhammaan dawladihii muslinka ahaa eenay reer galbeedku jeclayn, waxaana jihaad beena laga bilaabay waddamadii Ciraaq, baakistaan, afgaanistaan, siiriya, liibiya, masar, yemen, iyadoo la adeegsanyo lacagtii betroolka iyo farsamadii reer galbeedka.
Haddaba waxaa isbeddalay micnihii Islaamka, waxaana soobaxay Islaam Islaam gumaadaya. Guud ahaan waa laguguulaystay danihii reer galbeedu kalahaayeen Islaamka, dadkii muslimiinta ahaana waxay uqaybsameen firqooyin midiba middakale riddinayso. Dadkio islaamka ahaa waxaa ku adkaatay noloshii, waxayna noqotay iney kacararaan magacooda islaamka ah. Islaamkii oo dhan ayaa wuxuu noqday wax lagabaqo, waxaana soobaxday waxa looyaqaan argagixisada islaamka. Dadka islaamka ahi waxa noqdeen kuwo sidii larabo loo adeegsado oo ushaqeeya sida maafiyadaoo kale, kuwaasoo intalacag lasiiyo qofkii loodiro madaxa kajara.

Saturday, March 25, 2017

Gefefkii siyaasadeed ee Majeerteen

Dad badan oo Soomaaliya haddaa weydiiso dhibaatooyinka siyaasadeed ee Soomaaliya waxay kuleeyihiin, dhibaato aan majeerteen dhigin dalkaan kamadhicin. Inkastoo qabiil ahaan aan wixii dhacay dusha lawadasaaran Karin, haddana dhibaatooyinkaas waxaa geystay shaqsiyaad beesha kamida oo taageero kahelayey qaybo beesha kamida. Qormadaan uguma danlihi inaan soobandhigo ceebaha uu Majeerteen leeyahay, laakiin marka larabo in dibuheshiisiin dhaba lagalo, waa in lagasheekeeyo waxyaabihii dhacay. Inkastoo ay adagtahay in daacad laga ahaado waxkasta oo dhacay, sababtoo ah ma ogaankartid dhankasta oo dhacdadaas kusaabsan, haddiise ay daacadnimo jirto, oodna cidna necbayn, waxaa lagayaabaa in sheekadaadu dhadhan lahaato.
Sikastaba haahaatee, dhacdooyinkii siyaasadeed ee xanuunka badnaa uurkutaallana kureebay siyaasad qabiileedka Soomaalida waxaa kamid ahaa:
1. Sulkaankii Hobyo, kaasoo abuuray cuqdad mahadho ah oo illaa maanta lagasheekeeyo waxyaabihii dhacay. Oday duqa oo kamid ahaa dadkii kuhoosnoolaa xukunkii Suldaan Cali ayaa iigasheekeeyey rafaadkii lamarin jirey. Inkastoo uu suldaankaasi dadyaw badan ladagaallamay, haddana beelihii ay haybwadaagta ahaayeen, waa iska illoobeen, qaarkalese waxbadàn bay sheegaan.
2. Xukunkii Aadan Cadde: dad badan ayaa rumaysan in cabdillaahi Ciise uu kamudnaa Aden Cadde inuu madaxweyne noqdo, dhawr sababood aawadood, waa mide isagaa ahaa RW uhorreeyey ee Soomaali yeelato, waa mide, qabiilka Aden Cadde wuxuu ubadnaa xisbigii progaresso ee talyaaniga raacsanaa, halka qabiilka cabdillaahi Ciise ay kulligood leegada ahaayeen.
2. Iskudarsankii koonfur iyo waqooyi: israacii labada gobol, waxay ahayd in madaxweynaha iyo RW lakalaqaato, arrintaasna may dhicin ee labadiiba koonfur baaqaadatay, halkaasna daqarkii ugu horreeyey ee midnimada ayaa dhacay.
3. Kaladoorashadii Ingiriis iyo Talyaani. Ingiriiska oo ay gacanta ugu jiraan shantii gobol ee Soomaalidu uqaybsanayd, Jabuuti maahane, ayaa Talyaani ladoortay inuu Soomaali xornimo gaarsiiyo, ogow talyaani dalka waakamaqanyahay oo waa laga adkaaday, arrintaas ingiriis waa ucintami wayday wuxuuna Soomaali uqaaday colaad aan dhammaan illaa hadda.
4. Dilkii Cabdirashiid Cali sharmaake, markii ladilay Cabdirashiid Cali sharmaake, xukunkii ciidamada ayaa dhacay, xukun ciidanna waan aragnay wixii kadambeeyey.
5. SSDF. Jamhaddii uhorreysay ee laguladagaallamo qarankii Soomaaliyeed ee sababta unoqotay iney cunto dawladdii.
5. Dagaalkii Hargaisa ee dhafoor qiiq. Dhibaato aan illaa hadda Karin.
6..dagaaalkii USC ee Muqdisho lagulagalay iyadoo sheekadii loorogay Daarood iyo Hawiye.
7. Dagaalladii Kismaayo oon dib ugasheekayn doono.
Fikirkiinna xalaashaa een aflagaaddo iyo qabyaalad huwanayn ...

Wednesday, February 8, 2017

Awguuriyo awguuriyo hambalyo hambalyo

Hambalyo hambalyo hambalyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxaan udirayaa hambalyada guusha taariikhigaa ee usoohoyatay ummadda Soomaaliyeed. Guul iyo gobanimo, maanta waxaan dib uhannanay xorriyaddii dhuntay ee lacagta yar lagu iibsaday!
Waxaan hambalyo udirayaa baarlamaanka Soomaaliyeed ee dhagaystay baaqii dadweynaha ay halakeeyeen gaajada, abaaraha, tahriibka iyo dilka aan loomeeldayin.

Hambalyo hambalyo

Tuesday, January 24, 2017

Maxaa dhibaato inahaysta

Maxaa dhibaato inahaysta
ummadaha adduunyada waxay leeyihiin dawlado kuwaas oo kacaawiya dadyawgaas sidii ay nolol wanaagsan ugu noolaan lahaayeen, xalna ugagaarilahaayeen dhbaatooyin soodashaday ooy muddo dheer lanoolaayeen.
Waxaa jirta in Soomaalidu muddo aad udheer lanoolaayeen abaaro iyo colaado qabiil oo joogtaa, hase ahaatee wali laysmawaydiin sidii xal looguhelilahaa dhibaatooyinkaas.wali waxay dadku fursad u la'yihiin iney intafariistaan iswaydiiyaan dhibaatooyinka ay deriska laahaayeen kumanaanka sano. Umaddii oo dhan wqxay noqdeen kuwo u adegaya fikrado shisheeye.
Soomaaliya oo meesha ay kugaal muhiim uleedahay dadyawga caalamka, waxdana kamaleh dadka kunool deegaankaas. Muddodheer ayey reer galbeeeku weerarro kusooqaadeen dalkaan oo dhibaatooyin badan kadhex abuureen. Muddo dheer ayaa dalkaan lagudhexfaafinayey fikrado meelofog lagakeenay, laakiin dano gaara lagalahaa.
Haddii aan tusaale usooqaato dadyawgii gibilcadka ahaa ee muddada fog degganaa magaalooyinka xeebaha ah, cadawtinimo wayn ayey uqaben dadkii xoolalayda ahaa ee duurka kunoolaa, waxayna markasta shakikaqabeen dadkaan dabeecadda adag een ogoleen ilbaxnimada. Waxay hilmaansanaayeen in dadkaan qallafsan ay dalka iskaleeyihiin, oo gibilcadku muddo dambe soodegeen, sida caddaanka koonfur Afrika oo kale. Waliba ay kakala imaaden laftoodu waddammo kaladuwan, inkastoo markii dambe ay isfahmeen, laakiin waxay markasta heshiis ku ahaayeen inaan lamagoodle waxba fahmin.
Markii dambe ee adduunkii isufurmay, oo dadkii dhulka iskalahaa waxfahmeen, fikrado kaleeto oo shisheeye ayaa dalkii imaaday, gibilcadkiina wuxu lamidnoqday lamagoodlihii, xaddaaraddii yarayd ee jirtayna halkaas ayey kudhuntay.
Dadkii lamagoodlaha ahaa een ilbaxa ahayn waxay waligood deris laahaayeen dad cadaw ah oo marna dalkoodii soodgay, laakiin wakiil u ahaa fikrado shisheeye. Sidaas ayaa laguwaayey wax dalkaan iskaleh, illaa shaki ay gasho jiritaanka dad Soomaali layiraahdo oo dalkaan degganaan jirey, lagana raariday in dadkaani Carab yihiin, oo aanay jirin Islaamka kahor, halka afka Soomaaliga ee sida wanaagsan looguhadlaa uu kacimridheeryah ay afka Carabiga. Markii taariikhyahannadii dhexdhexaadka ahaa ay hoos  uqodeen dhulka hoostiisa waxay heleen taariikh facweyn oo ah in dadkaanu waligood jireen intii adduunkaani uunmeen, laganayaabo in dadkuba halkaan kafarcameen ooy kakala aadeen daafaha adduunyada markii ay dheceen dhulgafiirro, oo qaaradihii adduunku kalaqaybsameen.
Khiyaanadii uguweynayd ee dalkaan lagagalo waxay ahayd markii la inkiray jiritaankii hore ee dadkaan oo abtirsiinyo malo awaala lootaxay, iyadoo laraadinayo nasabnimo iyo caadifad beena oo sal unoqotay kalafaquuq iyo cadawtooyo lagudhexbeeray ummad dhan oo jirtay, iskudhaqan iyo hiddo ahayd oo kuwadanoolaa hal adduunyo iyo hal xaalad nololeed. Dadyawgii xoolodhaqatada ahaa ee isku abka iyo isika ahaa waxaa ladhxdhigay deyr aan run ahayn, laakiin ay kulaguureen dadyawgii iskkuqabiilka ahaa een wax lasheego kuladuwanayn.
Taniyo marka lagasoobilaabo dhulka jeedintaa ee gala xuduudda Eriteria, lagana soogaaro harooyinka waqooyiga kenya waxaad soodhexmaraysaa dad isuwada eg oo hal dhaqan leh, oo awr labokabaal saaranyahay uraranyahay. Qaarkood waxay wataan weelal kasamaysan loox, ama caw ama qabo latolay oo caano ama biyo ugu jiraan. Qofna ma oga taariikhda runtaa ee nolosha caynkaas ahi soobilaabantay, laakiin waxaa la ogyahay in tobonaan kun ay ka horreysay, laganayaabo in dadkaani ahaayeen kuwii dhisay buuraha Ahraamta Masaarida, ee lagaranla'yahay sidii loodhisay iyo wixii lagudhisay illaamaanta.

Monday, January 23, 2017

Labo dhibaato dheefna leh

Labo dhibaato oo dadkeennu lahaystayaal uyihiin waa qabyaaladda iyo diinta. Labadaas fikir asal ahaan waa fiicnaayeen laakiin sixun oo kaduwan asalkoodii ayaa loo isticmaalay. Diinta oo xambaarsan labafkir oo muhiima, oo kala ah dhanka fikirka jiritaanka Eebbe iyo Astaamihiisa, iyo midkakaleeto oo ah xagga dhaqanka. Middahoreeto waa arin muran badan, dadka badankiisuna iskuma mashquuliyaan. Waxaa kaliya oo murankaasi udhexeyaa dadka sheegta iney culimmo yihiin. Midka kaleeto oo ah dhaqanka, Soomaalidu waxweyn ka faa'idday ilbaxnimada iyo xaddaaradda Islaamka waana midda kentay in Soomaalidu dhanka ganacsiga iyo fikirka kahorreyaan dadyaw badan oo Afrikaana, iyo ladagaallankii gumaysigii Afrika sooweerarey.
Mushkiladda ugu weyni waxay imaatay markii shidaalka lagahelay waddamadii khaliijka oo med-habkoodii kusoofaafiyeen Soomaaliya. Soomaaliya oo ubadaxbannaanayd caabudaadda Ilaahay, haystayna hal Med-hab oo shaaficiyaa, waxaa kusoo dhexdarsamay fikrado badan oon sax ahayn, macallinlii dugsi quraanka ee awaltoole shilinka iyo kumiga qaadan jirey oo bulshada xurmada kudhexlahaa, wuxuu noqday nin calooshiis ushaqayastaa oo mushaar kaqaata hayad aan la aqoon waxa ay tahay iyo danaheeda, badanaana siyaasad kulug leh. Arrintaasina waxay socotay illaa masaajiddii oo xitaa labedelay qaabkii aynnu masaajidda udhisan jirney, oo minnaaraddii xiddigta iyo bisha lahayd waxaa bedlay minnaarad caarad fiiqan leh, oon calaamad lahayn. Xiggigta iyo bishu waxay ahaayeen, calaamaddii dawladdii cusmaaniyiinta ee islaamka xukumaysay muddo kun sano kudhaw. Taas oow jasiiradda carabtu diidanaayeen, oo u haysteen in diintoodii kalawareegay Turky oo markaa xukumay cismaaniyiinta.
Sidaas ayaa nagalawareegay diintii, waxaana  labilaabay in hadda iyo kow dadkii Soomaalidaa ee kunka sano kabadan muslinka ahaa shahaadada looqabto, qaarna layiraahdo gaalo ayaa tihiin. Dintii cibaadada ahayd ee dar Ilaahay loorumaysnaa, waxay noqotay mid siyaasad iyo arrmo adduunyo lagu raadiyo, waana midda kentay in Wadaadku aanu waxsaasa kaduwanayn midka maaddooyinka kale  cilmiga bartay, diintiina waxay noqotay uun mid maaddooyinkaas kamida. Halkii awaltoole uu wadaadku ahaa nin barakoleh, hadda waxwalba oo dadkakale sameyaan asna wuusameyaa.
Bellaayada kale e kaladhqntaashay midnimadeennii iyo dadnimadeennii waxay tahay qabiilka iyo qabyaaladda. Markii hore qabiilku wuxuu ahaa wax quruxbadan, oo faan iyo nasabnimo ayaa lasocday, waxaana dadku uqaateen sidii ay Islaamnimada uqaateen oo kale. Qabiilka iyo Islaamnimadu way islasocdeen oo Carabta ayaa keentay. Carabtu diinta kaliya makeenin ee waxyaabo badan oo dhaqankoodii ahna way keeneen sida ganacsiga oon Soomaalidu aqoon ulahayn. Qabiilku berigii hore ee miyiga lajoogay waji ayuu lahaa, markii dambe ee dadkii xoolohii kadhammaadeenna wajikale ayuu yeeshay. Markii hore ee miyiga lajoogay, qofka noloshiisa iyo qabiilkiisu way iskuxidhnaayeen. Cidwalba oo degaanka ladeggan col ama nabad midkood ayey ahaayeen, cid waliba godob ayaa kagamaqan ama godob ayey kuleedahay, markaa ammaankiisu markasta muran ayaa kajira oo xillikasta waxbuu dilikaraa ama waaladilikaraa. Midda kaleeto ee meesha taalley waxay ahayd sida lookalaxoog badan yahay ayaa lookalasharaf badnaa. Qabiillada yar yar een lahayn ciidan badan oo dagaal gelikara, way dulmanaayeen, waxyaabo badan oo xad gudub ahna waa loogeysan jirey. Waxay ahayd nolol xoog kudhisan, oo markasta dagaal lagujiro, xoolo lakalaqaadayo ama mag lakalaqaadanayo. Sidaas ay tahayna noloshu way socotay, waliba iyadoo waliba faan iyo islawayni lasocoto.
Markii xoolihii dhammaadeen ee magaalo lasoogalay, dhaqankii miyiga lagama iman ee magaaladii ayaa lalasoogalay. Markii dawladnimada lahelay,