Monday, January 23, 2017

Labo dhibaato dheefna leh

Labo dhibaato oo dadkeennu lahaystayaal uyihiin waa qabyaaladda iyo diinta. Labadaas fikir asal ahaan waa fiicnaayeen laakiin sixun oo kaduwan asalkoodii ayaa loo isticmaalay. Diinta oo xambaarsan labafkir oo muhiima, oo kala ah dhanka fikirka jiritaanka Eebbe iyo Astaamihiisa, iyo midkakaleeto oo ah xagga dhaqanka. Middahoreeto waa arin muran badan, dadka badankiisuna iskuma mashquuliyaan. Waxaa kaliya oo murankaasi udhexeyaa dadka sheegta iney culimmo yihiin. Midka kaleeto oo ah dhaqanka, Soomaalidu waxweyn ka faa'idday ilbaxnimada iyo xaddaaradda Islaamka waana midda kentay in Soomaalidu dhanka ganacsiga iyo fikirka kahorreyaan dadyaw badan oo Afrikaana, iyo ladagaallankii gumaysigii Afrika sooweerarey.
Mushkiladda ugu weyni waxay imaatay markii shidaalka lagahelay waddamadii khaliijka oo med-habkoodii kusoofaafiyeen Soomaaliya. Soomaaliya oo ubadaxbannaanayd caabudaadda Ilaahay, haystayna hal Med-hab oo shaaficiyaa, waxaa kusoo dhexdarsamay fikrado badan oon sax ahayn, macallinlii dugsi quraanka ee awaltoole shilinka iyo kumiga qaadan jirey oo bulshada xurmada kudhexlahaa, wuxuu noqday nin calooshiis ushaqayastaa oo mushaar kaqaata hayad aan la aqoon waxa ay tahay iyo danaheeda, badanaana siyaasad kulug leh. Arrintaasina waxay socotay illaa masaajiddii oo xitaa labedelay qaabkii aynnu masaajidda udhisan jirney, oo minnaaraddii xiddigta iyo bisha lahayd waxaa bedlay minnaarad caarad fiiqan leh, oon calaamad lahayn. Xiggigta iyo bishu waxay ahaayeen, calaamaddii dawladdii cusmaaniyiinta ee islaamka xukumaysay muddo kun sano kudhaw. Taas oow jasiiradda carabtu diidanaayeen, oo u haysteen in diintoodii kalawareegay Turky oo markaa xukumay cismaaniyiinta.
Sidaas ayaa nagalawareegay diintii, waxaana  labilaabay in hadda iyo kow dadkii Soomaalidaa ee kunka sano kabadan muslinka ahaa shahaadada looqabto, qaarna layiraahdo gaalo ayaa tihiin. Dintii cibaadada ahayd ee dar Ilaahay loorumaysnaa, waxay noqotay mid siyaasad iyo arrmo adduunyo lagu raadiyo, waana midda kentay in Wadaadku aanu waxsaasa kaduwanayn midka maaddooyinka kale  cilmiga bartay, diintiina waxay noqotay uun mid maaddooyinkaas kamida. Halkii awaltoole uu wadaadku ahaa nin barakoleh, hadda waxwalba oo dadkakale sameyaan asna wuusameyaa.
Bellaayada kale e kaladhqntaashay midnimadeennii iyo dadnimadeennii waxay tahay qabiilka iyo qabyaaladda. Markii hore qabiilku wuxuu ahaa wax quruxbadan, oo faan iyo nasabnimo ayaa lasocday, waxaana dadku uqaateen sidii ay Islaamnimada uqaateen oo kale. Qabiilka iyo Islaamnimadu way islasocdeen oo Carabta ayaa keentay. Carabtu diinta kaliya makeenin ee waxyaabo badan oo dhaqankoodii ahna way keeneen sida ganacsiga oon Soomaalidu aqoon ulahayn. Qabiilku berigii hore ee miyiga lajoogay waji ayuu lahaa, markii dambe ee dadkii xoolohii kadhammaadeenna wajikale ayuu yeeshay. Markii hore ee miyiga lajoogay, qofka noloshiisa iyo qabiilkiisu way iskuxidhnaayeen. Cidwalba oo degaanka ladeggan col ama nabad midkood ayey ahaayeen, cid waliba godob ayaa kagamaqan ama godob ayey kuleedahay, markaa ammaankiisu markasta muran ayaa kajira oo xillikasta waxbuu dilikaraa ama waaladilikaraa. Midda kaleeto ee meesha taalley waxay ahayd sida lookalaxoog badan yahay ayaa lookalasharaf badnaa. Qabiillada yar yar een lahayn ciidan badan oo dagaal gelikara, way dulmanaayeen, waxyaabo badan oo xad gudub ahna waa loogeysan jirey. Waxay ahayd nolol xoog kudhisan, oo markasta dagaal lagujiro, xoolo lakalaqaadayo ama mag lakalaqaadanayo. Sidaas ay tahayna noloshu way socotay, waliba iyadoo waliba faan iyo islawayni lasocoto.
Markii xoolihii dhammaadeen ee magaalo lasoogalay, dhaqankii miyiga lagama iman ee magaaladii ayaa lalasoogalay. Markii dawladnimada lahelay,

No comments:

Post a Comment