Tuesday, January 24, 2017

Maxaa dhibaato inahaysta

Maxaa dhibaato inahaysta
ummadaha adduunyada waxay leeyihiin dawlado kuwaas oo kacaawiya dadyawgaas sidii ay nolol wanaagsan ugu noolaan lahaayeen, xalna ugagaarilahaayeen dhbaatooyin soodashaday ooy muddo dheer lanoolaayeen.
Waxaa jirta in Soomaalidu muddo aad udheer lanoolaayeen abaaro iyo colaado qabiil oo joogtaa, hase ahaatee wali laysmawaydiin sidii xal looguhelilahaa dhibaatooyinkaas.wali waxay dadku fursad u la'yihiin iney intafariistaan iswaydiiyaan dhibaatooyinka ay deriska laahaayeen kumanaanka sano. Umaddii oo dhan wqxay noqdeen kuwo u adegaya fikrado shisheeye.
Soomaaliya oo meesha ay kugaal muhiim uleedahay dadyawga caalamka, waxdana kamaleh dadka kunool deegaankaas. Muddodheer ayey reer galbeeeku weerarro kusooqaadeen dalkaan oo dhibaatooyin badan kadhex abuureen. Muddo dheer ayaa dalkaan lagudhexfaafinayey fikrado meelofog lagakeenay, laakiin dano gaara lagalahaa.
Haddii aan tusaale usooqaato dadyawgii gibilcadka ahaa ee muddada fog degganaa magaalooyinka xeebaha ah, cadawtinimo wayn ayey uqaben dadkii xoolalayda ahaa ee duurka kunoolaa, waxayna markasta shakikaqabeen dadkaan dabeecadda adag een ogoleen ilbaxnimada. Waxay hilmaansanaayeen in dadkaan qallafsan ay dalka iskaleeyihiin, oo gibilcadku muddo dambe soodegeen, sida caddaanka koonfur Afrika oo kale. Waliba ay kakala imaaden laftoodu waddammo kaladuwan, inkastoo markii dambe ay isfahmeen, laakiin waxay markasta heshiis ku ahaayeen inaan lamagoodle waxba fahmin.
Markii dambe ee adduunkii isufurmay, oo dadkii dhulka iskalahaa waxfahmeen, fikrado kaleeto oo shisheeye ayaa dalkii imaaday, gibilcadkiina wuxu lamidnoqday lamagoodlihii, xaddaaraddii yarayd ee jirtayna halkaas ayey kudhuntay.
Dadkii lamagoodlaha ahaa een ilbaxa ahayn waxay waligood deris laahaayeen dad cadaw ah oo marna dalkoodii soodgay, laakiin wakiil u ahaa fikrado shisheeye. Sidaas ayaa laguwaayey wax dalkaan iskaleh, illaa shaki ay gasho jiritaanka dad Soomaali layiraahdo oo dalkaan degganaan jirey, lagana raariday in dadkaani Carab yihiin, oo aanay jirin Islaamka kahor, halka afka Soomaaliga ee sida wanaagsan looguhadlaa uu kacimridheeryah ay afka Carabiga. Markii taariikhyahannadii dhexdhexaadka ahaa ay hoos  uqodeen dhulka hoostiisa waxay heleen taariikh facweyn oo ah in dadkaanu waligood jireen intii adduunkaani uunmeen, laganayaabo in dadkuba halkaan kafarcameen ooy kakala aadeen daafaha adduunyada markii ay dheceen dhulgafiirro, oo qaaradihii adduunku kalaqaybsameen.
Khiyaanadii uguweynayd ee dalkaan lagagalo waxay ahayd markii la inkiray jiritaankii hore ee dadkaan oo abtirsiinyo malo awaala lootaxay, iyadoo laraadinayo nasabnimo iyo caadifad beena oo sal unoqotay kalafaquuq iyo cadawtooyo lagudhexbeeray ummad dhan oo jirtay, iskudhaqan iyo hiddo ahayd oo kuwadanoolaa hal adduunyo iyo hal xaalad nololeed. Dadyawgii xoolodhaqatada ahaa ee isku abka iyo isika ahaa waxaa ladhxdhigay deyr aan run ahayn, laakiin ay kulaguureen dadyawgii iskkuqabiilka ahaa een wax lasheego kuladuwanayn.
Taniyo marka lagasoobilaabo dhulka jeedintaa ee gala xuduudda Eriteria, lagana soogaaro harooyinka waqooyiga kenya waxaad soodhexmaraysaa dad isuwada eg oo hal dhaqan leh, oo awr labokabaal saaranyahay uraranyahay. Qaarkood waxay wataan weelal kasamaysan loox, ama caw ama qabo latolay oo caano ama biyo ugu jiraan. Qofna ma oga taariikhda runtaa ee nolosha caynkaas ahi soobilaabantay, laakiin waxaa la ogyahay in tobonaan kun ay ka horreysay, laganayaabo in dadkaani ahaayeen kuwii dhisay buuraha Ahraamta Masaarida, ee lagaranla'yahay sidii loodhisay iyo wixii lagudhisay illaamaanta.

No comments:

Post a Comment