Sunday, December 18, 2016

Is-ciribtirkii Soomaalida: Garaad Wiil Waal

Waxaa la yiri waayadii Soomaalida iyo Oromadu isriixayeen, qiyaastii muddo laboqarni haatan lagajoogo, ayaa magaalada jigjiga oo markaa ceel xooluhu kacabbaan ahayd, waxaa iskugalay Gaal Gurey oo Oromada uweynaa unatalinayey iyo Garaad Will Waal oo waddanka Xoog kuhaystay, Bartirana Garaadkooda ahaa. Garaad Will Waal wuxuu ahaa hoggaamiye dagaal oo yaab leh, dhawr jeer ayaana Oromadu jabiyeen. Dhibaatada ugu weyni waxay ahayd iyadoon xoolaha Soomaalidu cabbikarin maalintii ama inta Oromadu fulayso.
Garaadkii will Waal talo ayaa kucaddaatay, waagii dambe ayuu gurmad udirsaday Ogaadeen oo tolkii ahaa laakiin aan waagaa udhawayn. Muddo markii uu joogay ayaa ergadii uudirsaday farriin ukeeneen oo kuyiraahdeen: waxaa nalayiri warmihiinna xayr mariye oo bawdka kushalwiya, marka aad aragtaan boorkii oo iskudahaaray warmihii oo qariyey, fardahannagii waa idinku dhaw yihiin ee dagaalka bilaaba.
Wuxuu warmihii eegaba markii uu arkay iney boorkii wadagaadhay, ayuu colkiisii diyaarsaday. Gaal Gurey ayuu usheegay inuu shirka leeyahay, markii uu usoobaxayna qoorta ayuu kajaray. Waxyar dabadeedna ciidankii gurmadka ahaa oo Ogaadeen ayaa warmihii kuboobay, sidaas ayaana Oromo Jigjiga kagahayaantay, maalintaasaana udambaysay xoolo habeen cabba.
Gabay uu maalintaa Garaadku tiriyey ayaan waxyar sooharay:
Wuxuu yiri:
Dib ayaan kasoodirayaa, ninkii gabaygaa hayana haygudeeqo

Friday, December 16, 2016

Ciribtirka Maraykanku kuhayo waxgaradka Soomaaliyeed

Sidii loo laynayey midkasta oo udanqada duruufaha ba'an ee haysta ummadda Soomaaliyeed, ayaa maanta lawaayey wax hadli Kara. Afkasta sharooto ayaa lasaaray, kaagadaranta waxaa laguusoodirayaa cunugyar oo aad adeer utahay ama xaafaddaadaba kunool.
Mareekanku wuxuu qandaraas saliid baaris kuhaystaa dhammaan dhulka Soomaalidu degto, mana uu doonayo in cidaan isaga ahayn waxkatiraahdo. Waxaa intaa kasiidaran, qorshaha dhaw uguma jirto in shirkadaha Mareekanka loofasaxo iney Saliid kasoosaaraan Soomaaliya. Markaa waxaan udhimanaynaa wax aynaan shaqo kalahayn, aqoonna ulahayn.
Wuxuu Soomaaliya usoodiray unugyadiisa ugu khatarsan adduunka, waxayna sameeyeen waxkastaa oodna maleesan Karin. Waxaa kamida dhacdadii Gaalkacyo ee lagulaayey ciidan beeleed yada, kadibna kicisay colaadda Gaalkacyo ee dhibanaha ah. Mareekanka waa in lagalaxisaabtamaa dhibaatooyiñka uu Soomaaliya kageesanayo, isganoon aqoonsaneen iney wax dawlada Soomaaliya kajirto. Wuxuu iskii udhistay ciidammo uu ulabaxay Danab iyo Gaashaan, kuwaas oo isagu quudiyo, uunakusheego iney ciidammo Soomaaliyeed Yihiin. Wuxuu qabsaday dhammaan garoomada diyaaradaha ee Soomaaliya, wuxuuna quudiyaa ciidamada Afrikaana ee Soomaaliya jooga.
Abaaraha iyo gaajada kadhacaya Soomaaliya cid ay khusayso majirto oon ka ahayn dadka ay haysato, waxaana dadkii lagumashquuliyey dooroshooyin dadban, oo arrimahoodu dadban yihiin, loona jeedo in kuraasta bannaanka lagukalagadanayo, codadka madaxweynahana sidaas uun ay tahay. Dhibaato aan Mareekan aheen Soomaaliya maheesato, waana in Mareekanku waxkabeddalaa siyaasadda ciribtirkaa ee uunaguwado. Mareekanku wuxuu hore usoociribtirey dawyawgii hindida guduudan ee lahaan jirey gebi ahaanba dalka Mareekanka, waxaana hadda kuharay waxoogaa ladaawado, sida xyawaanka duurjoogta. Qorshihii oo kale ayaa Soomaaliya kasocda waxaana dalkii lagamariyey intii garaadka iyo aqoonta lahayd. Waxaa sooharay jaajuus kaliya kaasoon waxba daryeelayn.

Wednesday, December 14, 2016

Barashadii Diinta Islaamka

Ummadda Soomaalida iyagoo u oomman ayey Diinta Islaamku soogaadhay, iyagaana gaarsiiyey ummadaha dariska oo dhan. Diintu waxay u ahayd fikir iyo ilbaxnimo cusub oo ay heleen. Sidaas ayeyna baridda diinta isugu gudbin jireen muddo dheer. Waxaadna ogtihiin dugsiga looxa inuu yahay waxyaabaha Soomaalida ugaara, inkastoo aan maqlay inuu dhanka Suudaan nooga yimi.
Dadka Soomaalidaa Islaamnimadu dhuuxa ayey ugajirtaa, dhaqankii hore eey lahaayeenna intiisa badan diinta ayaa tirtirtay. Dadka Soomaalidaa ee hadda jiraana abtirsiinyahooda Islaamka kadib ayey kasoobilaabantaa. Wixii kahorreeyey waa la inkirey iyadoo loo jeedo astaamihii ay katageen. Intaasi waxay ahayd faan iyo jacayl ay Islaamka uqabeen.
Iyadoo ay jirto aqoontaas qotada dheer eey Soomaalidu uqabeen Islaamnimada, haddana kama aysan badbaadin mad-habadihii dambe ee sida weyn ubeddalay fikirka Islaamka ee goor dambe dalka oo dhan qabsaday. Fikirkaan dambe wuxuu dadkii kaweeciyey dhankii jacaylka aakhiro iyo Nabi Maxamed naxariis iyo nebedgelyo korkiisa haàhaatee, wuxuuna uweeciyey adduunyo jacayl iyo xukun jacayl. Sababta ugu weyn ee arrinkaàs sababta u ahaana waxay ahayd dadkii oo faromarnaa, lacag fududna iskaqqatay. Laakiin waxay illowsanaayeen iney gateen diintoodii, dadkoodii iyo dhaqankoodii, waana sababta keentay maanta in lawaayo Halwadaad oo warkooda lamaqlo, waayo wadaad kastaa koox gaara ayuu katirsantahay, kooxdaas oo badanaa dibadda lagabiilo.

Tuesday, December 13, 2016

Is-ciribtirkii Soomaalida

Bulsho kasta oo caalamka kunool waxay leedahay sheekooyin iyo dhaqamo hore ooy hadal ahaan ama qoraal ahaan isugugudbin jireen, kuwaas oo qaarkood ahaayeen wax ceeba marka hadda lafiiriyo, ama wax wanaagsan. Waxyaabahaas dadka badanaa majecla iney sheegsheegaan haddii aysan koox gaara ahayn.
Haddaba waxyaabaha Soomaalida dhexdeeda caanka ka ah waxaa kamida siyaabihii arxandarrada ahaa ee ay isugumaadi jireen marka ay xinifyari dhexmarto, sida sheekadii Qabaalkii Caligeri oo kale. Sheekooyinkaas badanaa waxaa laysugugudbiyaa gabayo, sida kuwii Guba, siinnleey, Deelleey iyo Maruuryo iyo kuwo badan oo kale.
Haddaba, waxaa jira dagaallo kale oo ay Soomaalidu gelijirtey sida kuwii Jihaadka Xabashida, kuwii isbarakicinta iyo Isir-sifaynta ee muddooyinkii fogaa sida Gaalo-madow, Ujuuraan iyo Maadinle, Gurgure, iyo kuwo kaleeto oon lasookoobikarin iyo kuwo dhawaa sida barakicii koonfurta ee Daaroodka.
Haddaba, waxyaabahaasi iyo dagaalladaas waligood ahaa waxay aasaas iyo salba uyihiin siyaasadda gurracan ee maanta Soomaaliya kajirta iyo sida Qabiil waliba ufikirayo, waayo Qabiilkastaa wuxuu diiwaan xun oon la illoobokarin uhayaa Qabiilka laderiska, sida arrimaha illaa haddeer kataagan Gaalkacyo, Beletweyne, Kismaayo iyo waliba Buuhoodle.
Haddii aan damacno inaan sheekooyinkaas sida dhaba oon dhinacna raacsanayn ugasheekaynno, dadbadan ayaa yaxyax wejiga kafuulayaa, laakiin waa waxa keliya eennu nahay, waana sababta aasaaska u ah in fikirka siyaasadeed ee Soomaalidu uu kusalaysnaado kuwo Qabiil, lanawaayo wax fikir Qaran wata, si dadka iyo dalku dawlad uhelo.
Dhibaatadaas dhaqanka liita ah ayaa dadyawga daneeya Soomaaliya, Carab, Reer galbeed iyo waddamada deriskuba si xun ugafaa'idesyteen, oo maalin walba aan umaqalnaa niyadjab horleh iyo ayaan darro naguhabsatay.
Sheekooyinkaas waxaan iskudeyeynaa inaan sooqaadanno kuwoodii ugu caansanaa ee nasoogaaray ama waxlaga qoray. Inkastoo dadku ay turjumaadda dhacdada kukaladuwanaadaan, ooy ay jirey kaleexasho xaqqiida, haddana yaqaanna sida waxloobaaro aad ayey isugudhawaan karaan xagga fikirka.
Marka taariikhda Soomaalida dib loogunoqdo, aqoonyahannada Soomaalida ee dhaqanka taariikhda, waxay iskuraacsan yihiin in Soomaalidu ay tahay dad hore oo waligood dhulka degganaan jirey hase yeeshee ay Magacyadoodu isbeddali jireen. Inkastoo ay jiraan dadyaw kusoobiiray oo dhanka badda kagayimi, haddana Soomaalida aan hadda naqaanno ee kakooban qabiillada magaca xun loobaxshay ee afar iyo bar, kulligood waxay kufaanaan iney ku abtirsadaan asaxaabtii rasuulka, ama rasuulka laftigiisii, naxariis iyo nebedgelyo korkiisa haàhaatee. Taas laakiin waxay ka hor imanaysaa taariikhaha dhulka hoostiisa laga qoday ama kuxardhan derbiyada Ahraamta Masaaridii Hore. Iney Soomaalidu kasoojeeddo ummado rogmaday, sheegashadaanina ay laxiriirto uun Qaadashii Islaamnimada ee lagukalahormarey iyo intii diidday oo lalaayey, xoolohoodiina ladhacay, waa dadkii loobaxshay gaalo madaw markii Islaamka qaadan waayeen, laakiin markii hore iskudadka la ahaa.
Haddaba dhibaatooyinka dhaqameed ee Ina haysta ayey kamid tahay in ummad tobnaan kun oo sannadood jirtey layiraahdo dhawr boqol oo sano ayey jirtey, marka laraaco abtirsiinyaha soddonka odey aan kabadnayn een badankeen ku abtirsanno. Taasoo aan sideedaba qarni kabadnayn.
Lasoco qaybta dambe haddii Ilaahay yiraahdo!

Dalmar Aden Hassan
Samotalis2018@gmail.com

Wednesday, December 7, 2016

Soomaalinimada

Arrinta Soomaalinimada waa arrin khilaaf iyo dhibaato miirana. Markii hore ee xorriyadda laraadinayey, Soomaalidu iskumid ayey ahaayeen. Kii Jabuuti joogay, kii Itoobiya joogay, kii kiiniya joogay, kii British Somaliland joogay iyo kii Italian Somaliland joogayba. Fikirkaas waxaa ladhihi jirey Great Somalia ama Soomaali Weyn!. Markii ay xoroobeen koonfur iyo waqooyi, arrintaasi isma beddalin, oo dadkii ka imanayey meelihii aan xoroobin, Soomaalida kale ayey lamid ahaayeen, oo ciidanka ayey gelijireen, tacliinta ayey gelijireen, shaqaalaha dawladdana way gelijireen. Markii aan kufashillannay dagaalkii Itoobiya, een jabnay, hoos ayaan isugunoqonnay, oo qabyaalad ayaa bilaabantay.
Haddaba heer waxaa lagaaray goballadii xortaahaa ay dawlad goboleedyo noqdaan uu kadhexeeyo iskudheganaasho sahlani. Waxaa kaleeto oo dhacday goballadii aan xorta ahayni kawanaagsanaadaan kuwii xortaahaa ee iyaga xoreynayey. Dadkii aan islahaa dulliga kasaar ayaa maanta idhaama, oo dullinimadii anigii wax xoreynayey bay igusoowareegtay.
Haddaba, su'aashu waxay tahay, Yaa hadda Soomaali ah? Soomaalinimadu maqabiil baa mise qaran, mise waa dawlad? Yaa matala Soomaalinimada? Mise wayba dhimatayoo, waa xabaal halkaynnu tubannahay? Dadkii aad shala wadday eed udagaallamaysay, maanta mawadikartaa, mise udagaallami kartaa? Mise iyagaaba dawladoo maanta kudhaama?
Su'aalahaas ani jawaab waan uwaayey.

Sunday, December 4, 2016

Dhibaatooyinka Nolosha

Dhibaatooyinka nagahaysta nolosha waabadanyihiin, laakiin waxyaabaha lataabankaro oo aan ubaahnayn cilmibaaris waxaa kamida:
1) reer miyigii oo usooguuray magaalooyinka iyaga oo aan wax xirfada oon ka ahayn tiixoolodhaqashada aan lahayn. Taasina waxay keentày qabyaaladda oo magaalooyinka soogashay. Sidaas ayaa khilaaf aan reer magaalku aqoon ulahayn ulakulmeen.
2) waxbarasho xumo: dadka badankooda oon waxba badan iyo kuwii waxbartay oo bartay waxyaabo aan kacaawinayn nolosha, sida xirfadaha. Waxbarashada maanta Soomaaliya kajirtaa waa mid lacag uruursi ah, oon waxba labarin ardada in maskaxda lagawareeriyo maahane.

Thursday, December 1, 2016

Ummad siijiraysa

Kawarran haddii aad rumaysantahay inaadan dal lahayn, balse aad isaga dhexnoolaato, wixii aad maalintaa kahelikartana kasiiqaadato, meeshii kuguxumaata aad isagatagto, haddii aad fursad heshana aad dadka baarato, kawarran haddii aadan kabafikirayn aayaha ubadkaaga, sidaasi waa nolosha dadka Soomaaliya kunool. Qofna kumafikiro inuu dalkiisa ushaqeeyo. Ummaas waqti intee le'eg ayaad is leedahay way siijirikartaa? Qofkasta oo dadkaan fiiriya su'aashaas ayuu iswaydiiyaa. Soomaalida waagii hore waxaa laguwareeriyey Soomaali weyn, haddana Soomaali yar yar.

Friday, November 18, 2016

Baarlamaanka qabaligaa ee 4.5

Saaxiibbayaal waxaa soodhammaanraba baarlamaankii qabaligaa ee doorashada beentaa kusalaysnaa. Doorashadaan oo aysan tartamayn wax fikrado ah, laakiin ay tartamaysay lacag dad shisheeye bixinaynayeen oo lagubaayacaayey xornimadii Soomaaliya. Waxaa ugu xoogweynaa tartanka kooxda calooshood ushaqaystayaashaa ee Dam iyo Jiid, oo dalka uhorseeday dagaal qabiil iyo baayac hantida maguurtadaa ee dalku lahaay. Wali waxay rajokaqabaan iney markale kusoonoqdaan madaxnimada iyagoo dadka kucalooldabacsanaya qabyaalad.
Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya wax micno leh manoqon doono, waayo cid uu metelo maleh.

Sunday, October 2, 2016

Muqdisho, Xarun Beeleed

Muqdisho, waa dhibaatada ugu weyn ee Soomaali haysata, kunaqasbaysa in beelaha kale dawlado samaystaan! Inkastoo dhibaatada Muqdisho kajirta aan guud ahaan loosaarin Karin beelaha Muqdisho deggan, hadda cidda la adeegsado iyagaa ubadan!
Muqdisho waxay leedahay taariikh dheer, waxayna leedahay taariikh guun ah, waxayna kamid tahay magaalooyinkii ugu uhorreeyey ee Afrikada bari. Taariikhdii Muqdisho badankeed waa dhuntay, laakiin dad ayaa weli haya iyadoo sheeko ah, oon qornayn! Waxaa magaalo madax kadhigtay talyaaniga, sida taariikhdu qortayna, magaalooyinkii u uhorreeyey ee ay Soomaalidu degto waxay ahaayeen, Saylac oo muuddo kun sano kabadan Xarun u ahayd ganacsiga iyo ilbaxnimada. Sida lasheego xiriir ayaa dhaxayn jirey Muqdisho iyo Saylac muddo dheer intii aysan burbirin!
Talyaaniga ayaa magaalo madax kadhigtay Muqdisho, laakiin Siciid Barqash oo Talyaanigu ka iibsaday waxaa magaalo madax u ahayd jasiiradda Zanzibar oo Tanzania hadda katirsan, inkastoo ay xukun hoosaad leedahay.
Markii xornimada laqaatay, Muqdisho ayaa lagadhisay dawladdii ugu horreysay ee xorta ahayd eey Soomaali yeelato muddada dambe! Wixii hanti ahaa iyada ayaa lagelshay, dawlad iyo shacabba, sababtoo ah majirin dhaqaale magaalooyin badan lagudhiso, inkastoo Kismayo warshado badan lagadhisay!
Markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya wax waliba waa isbaddaleen, Muqdishana waxay noqotay Xarun beeleed, inkastoo dastuurku uusan wali go'aan kagaarin, haddana waxaa run ah iney tahay Magaalo beeleed, laakiin dawladdu ay kaxishoonayso. Dhibaatada ugu weyn waxay tahay sidii ay beelaha kale ku aamini lahaayeen in Muqdisho ay tahay Xaruntii Soomaaliya, sababtoo ah ma arkaan warka idaacadaha lagasheegayo markasta!
Dhibaatada kaleeto ee haddana taagani waxay tahay, beelaha Muqdisho ay xarunta utahay, ma ogala in magaalo madax meel kaleeto loowareejiyo oo laysku raacsanyahay! Marunbaa inaan lahelikarin meel dhexdhexaad ka ah isxulufaysiga siyaasadeed ee beelaysan? Sidee aayatiinka ummad dhan madaxfurasho looguhaysan karaa? Sidee ayaan ugafikikarnaa madaxweyne dadku usimanyihiin, oon qaadanayn xoolaha ummadda, una arkin in magaca qaranka loo isticmaalo sidii NGO oo kale, lacagna lagu uruursado?
Beelaha Muqdisho waa iney katanaasulaan madaxfurashada ay uhaystaan iney dhalato dawlad Soomaaliyeed, oon beelna lahayste u ahayn! Dhammaan dadka matala magaca federaalka, baarlamaanka iyo dawladduba waa lahaystayaal aan waxay rabaan samayn Karin, waxaana tusaale u ah, dad madaxa oo lagudilay Villa Somalia dhexdeeda, kadib markii ay kahoryimaadeen fikrado gaara! Tusaale kaleeto oo maragmadoontaa waa in hal beel ay markasta usharraxantahay madaxweynaha, sababtuna waa haysashada Magaalo madaxda Muqdisho. Midda kaleeto oo marag madoontaa, waa musharixiinta oo naftooda lacararay illaa Sheekh Shariif oo ciidan badan oo beeshiisaa Muqdisho kudiyaarsaday maahee! Sidee Muqdisho kusii matali kartaa ummadda Soomaaliyeed? Soo inaan kulligeen Faysal Cali Waraabe oo kale noqonno maaha?

Saturday, October 1, 2016

Madaxweynaha cusub ee Soomaaloya

Sannadkaan waxaa kadhacaysa Soomaaliya doorasho xoogaa kaduwan tiikal hore. Su aashu waxay tahay yaakusoobaxaya ? Haddii aysan dhicin mucjiso hoose sidii kal hore Xasan sheeq kusoo baxay, sannadkaan waxay ubadan tahay inuu soolaabto Xasan sheeq, sababtoo ah dhammaan maamulladu waxay sooxulayaan rag uu Xasan wato! Dawladaha dariska waxay wataan Xasan sheeq, beesha caalamkuna waa isqarinaysaa! Dhammaan qandaraasyadii miiska hoostiisaa ee uu saxiixay Xasan mashaqayn doonaan haddii uusan soonoqon! Inkastoo sheeq shariif cadaadis badan kuhayo Xasan sheeq, oo beelaha muqdishana aad utaageersanyihiin, haddana sheekh shariif nin siyaasad wax kayaqaan maaha! Waa nin geesiya, oo dagaal galikara, xoraynna Kara dalka, laakiin siyaasad uma bilaabna! Sidaas daraadeed waxaa iska cad in Xasan sheeq uumaleegay giraan siyaasadeed oo weyn, ayna adagtahay inlagabaxo! Cidkaleeto oo loolan adag lagelikarta Xasan sheeq illaa hadda mamuuqato, markaa dadku ha udiyaargaroobaan afar sano oo kale oo hubaal la aan iyo qas siyaasadeed ah. Illaa hadda waxba lagamadhaxlin maamulkiisa, oon ka ahayn in Soomaalidu usiinuglaatay faragalinta, taas ayaana siisoconaysa afarta sano ee soosocota! Musharixiinta kale waxay ubadanyihiin rag laablakac kushaqaynaya. Siyaasadda Soomaaliya waa adkaatay, waxaana siiyaraanaya meelaha lagasoogalikaro!

Thursday, September 29, 2016

Isbeddal Bulsheed

Waxaa dhab ah in aan dhibaato kujirno, Soomaali ahaan, ama wixii la oran jirey jamhuuriyaddii Soomaaliya. Waa yaryihiin illaa hadda wax kahadlaya, sidhab ah dhibaatada dhaqaale, siyaaso ama bulsho oo haysta ummadda Soomaaliyeed ee kunool geeska Afrika. Dadkaas oo ay meesha kabaxday dawladdii ay dugsanayeen, muddo lix iyo labaatan sanona kujira dhibaatooyin iyo jaahawarreer bulsho. Dhibaatooyinka haatan haysta Soomaaliya maahan wax si dhab ah loogakaban karo, gaar ahaanna in dawladnimadii ay dib usoonoqoto. Dawladdii Soomaaliyeed oo ay meesha kasaareen dawlado badan oo col la ahaa, iyagoo adeegsanaya wax magaroto Soomaaliya iyo kuwo muslima, waxay wali Marti utahay kuwii dumiyey laftigoodii. Sidee uga rajaynkartaa qofkii kudilay, inuu haddana kunooleeyo oo uu waxkutaro?
Inkastoo marka lagasoo tago dhibaatooyinka dibadda inagayimaada, kuwo dhexdeennaa, ee kusalaysan nacaybka qabyaaladda kusalaysan iyo diinta been abuurkaa, ay yihiin kuwo ugudaran een ladawayn Karin. Oodo dhacameed, siday ukalakorreeyaan ayaa lookalaqaadaa, waa maahmaah Soomaaliyeed. Inta aynaan kahadlin faragalinta shisheeye, ha ahaato reer galbeed, mid Afrikaan ama mid Carbeed, haddana haddii aan xal kagaarro dhibaatooyinka dhexdeennaa, faragalintu micno mayeelanayno. Haddaba maxay yihiin waxa nagadhexeeya? Majiraan nacfiweyn oo dalka yaalla oon iskuhaysanno! Dhibaatada ugu weyn ee noodhexeeyaa waa wadaagga dawladnimada . Taas ayaa keentay in siyaasiyiin dano siyaasadeed leh ay bulshada colaad kudhex abuuraan, ama siyaasiyiin dano gaara leh ay bulshada kudhex abuuraan khilaaf diimeed. Taasina waxay keentay iney dawladihii shisheeyaha ahaa ay maalgashtaan dhibaatooyinkaas diin-siyaasadeed ee dalka naafeeyey. Marka dhibaatada ugu weyni waa qaybsiga nacfiga dawladnimada iyo qandaraasyada khiyaanada ah ee siyaasiyiinta lagalaan dawladaha shisheeye! Heerka aqoondarrada ee bulshada dhexdeeda oo aad usarreeya, ayaa keentay in bulshadu aysan aad ufahmikarin khiyaanooyinka siyaasiyiinta magacooda kuqaraabta. Sidaas daraadeed, ayaa qofkasta oo xoogag lacaga haysta, cidduu doono ha ahaadee, soomaali ama shisheeye, uu wuxuu rabo kasamaynkaro Somaliya. Waana taas midda keentay, in dawlado shisheeye ay ciidamo kaqortaan Soomaaliya oo waxay doonaan sameeyaan. Qofka Soomaaliga ah, een wax aqoona lahayn, haddii aad mushaar siiso, xitaa mushaar aan saas uweynayn, waxkastaa wuukuisamaynaa, xitaa haddii aad udirto reerkooda ama qaraabadooda soolaayo! Waxaan ubaahannahay isbeddal dhinackasta ah, waliba dhanka fekerka ah! Sida aan ufikerno! Sida aan u aragno adduunka. Tusaale ahaan, waxaan u aragnaa in Yuhuuddu ay yihiin dad aad uxun oo Ilaahay nacay, laakiin Sucuudiga oo saaxiib dhaw la ah Yuhuudda, iney yihiin dad barakaysan oo Ilaahay jecelyahay! Waxaa tusaale fiican kuu ah dagaalka dadka Muslimiintaa ee Yemen iyo Suuriya, sida ay isuguraacsan yihiin!

Tuesday, September 13, 2016

Somalia: Meel laguqayilo

Haddii lagu yiraahdo Somalia maxay tahay? Si fudud ayaad udhihi kartaa, waa meel laguqayilo, dadkeeduna ay daroogaysan yihiin. Markii waagii beryo dhammaan xafiisyada dawladdu waa xiranyihiin, illaa lagagaaro Shan saac. Waxyar kadibna waxaa soodhacaya qaadkii, waana laxirayaa dhammaan xafiisyada. Wax hawl ah oo ay qabtaan xafiisyadu maleh, wax hawl ah oo socotana maleh!
Ma awoodikaraan madaxda dawladdu iney arrintaas soofarogaliyaan, waayo iyaga ayaa lafaragalinaa! Haddii aad mooddo Somalia Meel xora, oo dadku aayahooda katashtaan, sidaa maaha! Dhibaatada qaadku waagii hore waqooyi ayey kajirtey, laakiin hadda meel kasta ayuu gaaray! Markaa aayatiinka Soomaaliya waa mugdi, halayaabin sababta ay dadku badda isugugurayaan ama dagaalka aan qaabka lahayn ugu jiraan! Fadlan Somalia gargaar ayey kaagabaahantahay, mid maskaxeed, maahan mid kursi raadis!

Monday, September 12, 2016

Wararka been abuurkaa

Internetku wuxuu noqday meelay isuguyimaadeen noockasta oo dada! Kuwo runsheega iyo beensheega! Maalmahaan waxaan internetka ku arkayey dad sheegaya in Abdiweli Gaas iyo Ahmed Madoobe shirkii madasha isagabaxeen! Laakiin waxyaabaha aan layaabay waxay ahayd, Shariif Hassan sheik Aden oo Baydhabo ciddii kutukaday, lamadhihin shirka wuukabaxay! Waxaa kale oon arkayey Abdiweli Gaas oo loodiiday inuu kadhoofo garoonka Aden Adde! Haddana waxaan arkayey Ahmed Madoobe oo Muqdisho kunoqday markuu ciiddii kismayo kusootukaday! Waxaan kale oo arkayey Abdiweli Gaas oo shirkii xalay ee madaxtooyo dhexfadhiya! Inlma adeeryaaloow dadkii kulligood mooryaan miyey noqdeen! Miyaanay jirin nolol maanta kadambaysa? Miyaanay jirin dalkaan iyo dadkaan wax unaxaya! War kulligeen calooshood ushaystayaal miyaan noqonnay? War beentu nolosha kumajirto. Ummad dhan ayaa noloshooda been lagudhisayaa! War qabyaaladdu waa jirtaa oo cid aan kudhaqmin oo Soomaali ah maanta majirto! Laakiin haddiiba aad reer hebel iskadhici kujirto, ogow inaad Soomaali tahay! Ogow in waxa beenta aad usheegayso ay Soomaali oo dhan yihiin, oo waliba ay kujiraan kuwo qabiilkaaga ah! Ninbaa hadda kahor wuxuu iguyiri " Dagaalkii qabyaaladda kusalaysnaa wuxuu kuharay website yada Soomaalida". Waxaan rajaynaa inuusoonoqdo damiirkii kuwa waxqora!

Siyaasiyiinta Somaliland ee baarlamaanka federaalka

Wallaahi aniga waxaa dhakofaar igunoqday siyaasadda caluusaadkaa ee kajirta Somalia! Waxaa la yiri Somaliland waxaa matalaya 11 xildhibaan oo Aqalka saraa iyo 61 Aqalka hoosaa! Haddana Somaliland waxay leedahay nimankaas ma imaankaraan Somaliland, namana matalaan! Oo annagu waan goosannay! Malagayaabaa sababta ay Soomaaliland ugu soobiirola'dahay koonfurta iney tahay caqabad kahaysata nimanka sheeganaya Somaliland oo baarlamaanka Soomaaliya kujira? Haddaba su'aashu waxay tahay, Somaliland mawaxaa matala kuwa muqdisho jooga mise kuwa Hargaisa jooga? Su'aasha kaleeto een idin waydiinaa waxay tahay, inteebay leegtahay saameynta ay xildhibaannada Somaliland ee federaalku kuleeyihiin nabadda koonfurta iyo mid ahaanshaha Soomaaliweyn? Haddii aan su'aalahaas laysweydiin, sooxaq manoqonayso in laysweydiiyo sharci ahaanshaha dawladda federaalka?
Saaxiibdayda reer waqooyigaa ee diiddan koonfur dawladdeeda waxaan kacodsanaa iney kursi maran oo koonfur uyaalla igutaageeraan, waayo dawladdii koonfurta kursi waan kawaayey, oo xitaa kursi .5 ka waankusoo hungoobay! Kolley kursigaasi wax idintarimaayee iisheega mid bannaan, waxaan idiin ballanqaadaa, in marka Somaliland lagahadlayo, aan shirka bannaanka uga baxo! Mahadsanid

Ciidaan ciidba ahayn!

Maanta waa maalin aan caadi ahayn! Ciid yareey waaye! Abaar ayaa waddankii kadillaacday, haddii aad ciyaal tahay oo maantoo dhan aad xaqul ciid kuhayso, cid kusoofiirinaysa maleh! Lacagtii badh Hormuud ayaa xabsi dhigtay oo walax EVC Plus ladhaho ay kushubteen, walaxna waa rifantay oo qasnado ayaa laguxareeyey si aysan udillaacin! Waddankaan dhibaatadii adduunka ayaa kajirta oo dadku waxmagadan karaan! Meel loosoocimroodo maahan! Laakiin dalkale maqabno, seelayeelaa!

Nin ladhacay!

Waxaa layga dhacay dhammaan wixii aan haystay! Soomaalidu waxay taqaannnay geel lakaladhaco, laakiin sidee noqon lahayd markii dalkaagii, diintaadii iyo wixii kale ee kudhexjireyba lagaadhaco! Maxaa kuusooharilaa? Dadka qaar ayaa isleh, war haddii dalkii lagaadhacay, sidee diintii lagaaga dhacay? Illeen Ilaahay meel waliba waajoogaa, waana lacaabudi karaaye! Diintu micno maleh markaad qol iskusooxirto, laakiin markii bulshadu kulaqabto waxaad rumaysantahay micno dheeriya ayey leedahay, oo waxay noqonaysaa xeer bulsho wada xurmayso! Wixii aan kunsano rumaysnayn ayaa habeen qura lagaguuray! Nin kaa hantibadan kaa Alle roon! Macallinkii dugsi quraanka ee shilin shilinka ardada uruursanjirey maalinta arbacada, haddii kun dollar oo mushaara looqoro, suuwuxuu rabo dhigimaayo oo diintii kamatagayo?
Haddii dalkaagii ay doorashadiisii kutartamayaan dawlado shisheeye, oo ninkii ay rabaan madaxweyne kadhigayaan, ciidamo shisheeyana kursiga kuhayaan, makulatahay inuu kutalinayo wax Dan kuu ah? Soo dalkii lagaamadhicin? Haddii dalkaagii iyo diintaadii ladhacay! Maxaa kuusooharay! So in dhuxushii ladhoofiyo maaha! Soo in raashin dhacay lakeeno maaha! Soo in daawo dhacday lakeeno maaha! Soo in iskuullo iyo jaamacado beena lafuro maaha! Soo in isbitaallo beena lafuro maaha! Soo in dalkii laxaraashto maaha! Soo in laqayilo maaha! Soo in latahriibo maaha! Soo in badda lagudhammaado maaha!

Sunday, September 11, 2016

Shirka maashaa ee lagukalatagay

Markii aan maqlay in shirkii madasha lagukalatagay
Waa jeclaystay. Dawladda dhexe ee Xamar
Kajirtaayi maahan mid lamahadiyey. Waxaa horseed ka ah niman dhallinyaro aqoon gaaban oo kabaahan Soomaalinimo, iyo dadnimaba. Waxay adeeggii waddanka gacanta ugelsheen nimo tuugo ajaanib ah, oo dagaallo kadhex abuuray bulshadii Soomaaliyeed.
Markaa farxad ayey ii ahayd markii lagukalatagay! Kolley hadda ayaa lagatabatagaa, oo niman gacanta wax ugu jiraan maahin, laakiin intaasaaba noonaruuraa!