Tuesday, December 13, 2016

Is-ciribtirkii Soomaalida

Bulsho kasta oo caalamka kunool waxay leedahay sheekooyin iyo dhaqamo hore ooy hadal ahaan ama qoraal ahaan isugugudbin jireen, kuwaas oo qaarkood ahaayeen wax ceeba marka hadda lafiiriyo, ama wax wanaagsan. Waxyaabahaas dadka badanaa majecla iney sheegsheegaan haddii aysan koox gaara ahayn.
Haddaba waxyaabaha Soomaalida dhexdeeda caanka ka ah waxaa kamida siyaabihii arxandarrada ahaa ee ay isugumaadi jireen marka ay xinifyari dhexmarto, sida sheekadii Qabaalkii Caligeri oo kale. Sheekooyinkaas badanaa waxaa laysugugudbiyaa gabayo, sida kuwii Guba, siinnleey, Deelleey iyo Maruuryo iyo kuwo badan oo kale.
Haddaba, waxaa jira dagaallo kale oo ay Soomaalidu gelijirtey sida kuwii Jihaadka Xabashida, kuwii isbarakicinta iyo Isir-sifaynta ee muddooyinkii fogaa sida Gaalo-madow, Ujuuraan iyo Maadinle, Gurgure, iyo kuwo kaleeto oon lasookoobikarin iyo kuwo dhawaa sida barakicii koonfurta ee Daaroodka.
Haddaba, waxyaabahaasi iyo dagaalladaas waligood ahaa waxay aasaas iyo salba uyihiin siyaasadda gurracan ee maanta Soomaaliya kajirta iyo sida Qabiil waliba ufikirayo, waayo Qabiilkastaa wuxuu diiwaan xun oon la illoobokarin uhayaa Qabiilka laderiska, sida arrimaha illaa haddeer kataagan Gaalkacyo, Beletweyne, Kismaayo iyo waliba Buuhoodle.
Haddii aan damacno inaan sheekooyinkaas sida dhaba oon dhinacna raacsanayn ugasheekaynno, dadbadan ayaa yaxyax wejiga kafuulayaa, laakiin waa waxa keliya eennu nahay, waana sababta aasaaska u ah in fikirka siyaasadeed ee Soomaalidu uu kusalaysnaado kuwo Qabiil, lanawaayo wax fikir Qaran wata, si dadka iyo dalku dawlad uhelo.
Dhibaatadaas dhaqanka liita ah ayaa dadyawga daneeya Soomaaliya, Carab, Reer galbeed iyo waddamada deriskuba si xun ugafaa'idesyteen, oo maalin walba aan umaqalnaa niyadjab horleh iyo ayaan darro naguhabsatay.
Sheekooyinkaas waxaan iskudeyeynaa inaan sooqaadanno kuwoodii ugu caansanaa ee nasoogaaray ama waxlaga qoray. Inkastoo dadku ay turjumaadda dhacdada kukaladuwanaadaan, ooy ay jirey kaleexasho xaqqiida, haddana yaqaanna sida waxloobaaro aad ayey isugudhawaan karaan xagga fikirka.
Marka taariikhda Soomaalida dib loogunoqdo, aqoonyahannada Soomaalida ee dhaqanka taariikhda, waxay iskuraacsan yihiin in Soomaalidu ay tahay dad hore oo waligood dhulka degganaan jirey hase yeeshee ay Magacyadoodu isbeddali jireen. Inkastoo ay jiraan dadyaw kusoobiiray oo dhanka badda kagayimi, haddana Soomaalida aan hadda naqaanno ee kakooban qabiillada magaca xun loobaxshay ee afar iyo bar, kulligood waxay kufaanaan iney ku abtirsadaan asaxaabtii rasuulka, ama rasuulka laftigiisii, naxariis iyo nebedgelyo korkiisa haàhaatee. Taas laakiin waxay ka hor imanaysaa taariikhaha dhulka hoostiisa laga qoday ama kuxardhan derbiyada Ahraamta Masaaridii Hore. Iney Soomaalidu kasoojeeddo ummado rogmaday, sheegashadaanina ay laxiriirto uun Qaadashii Islaamnimada ee lagukalahormarey iyo intii diidday oo lalaayey, xoolohoodiina ladhacay, waa dadkii loobaxshay gaalo madaw markii Islaamka qaadan waayeen, laakiin markii hore iskudadka la ahaa.
Haddaba dhibaatooyinka dhaqameed ee Ina haysta ayey kamid tahay in ummad tobnaan kun oo sannadood jirtey layiraahdo dhawr boqol oo sano ayey jirtey, marka laraaco abtirsiinyaha soddonka odey aan kabadnayn een badankeen ku abtirsanno. Taasoo aan sideedaba qarni kabadnayn.
Lasoco qaybta dambe haddii Ilaahay yiraahdo!

Dalmar Aden Hassan
Samotalis2018@gmail.com

No comments:

Post a Comment