Wednesday, December 14, 2016

Barashadii Diinta Islaamka

Ummadda Soomaalida iyagoo u oomman ayey Diinta Islaamku soogaadhay, iyagaana gaarsiiyey ummadaha dariska oo dhan. Diintu waxay u ahayd fikir iyo ilbaxnimo cusub oo ay heleen. Sidaas ayeyna baridda diinta isugu gudbin jireen muddo dheer. Waxaadna ogtihiin dugsiga looxa inuu yahay waxyaabaha Soomaalida ugaara, inkastoo aan maqlay inuu dhanka Suudaan nooga yimi.
Dadka Soomaalidaa Islaamnimadu dhuuxa ayey ugajirtaa, dhaqankii hore eey lahaayeenna intiisa badan diinta ayaa tirtirtay. Dadka Soomaalidaa ee hadda jiraana abtirsiinyahooda Islaamka kadib ayey kasoobilaabantaa. Wixii kahorreeyey waa la inkirey iyadoo loo jeedo astaamihii ay katageen. Intaasi waxay ahayd faan iyo jacayl ay Islaamka uqabeen.
Iyadoo ay jirto aqoontaas qotada dheer eey Soomaalidu uqabeen Islaamnimada, haddana kama aysan badbaadin mad-habadihii dambe ee sida weyn ubeddalay fikirka Islaamka ee goor dambe dalka oo dhan qabsaday. Fikirkaan dambe wuxuu dadkii kaweeciyey dhankii jacaylka aakhiro iyo Nabi Maxamed naxariis iyo nebedgelyo korkiisa haàhaatee, wuxuuna uweeciyey adduunyo jacayl iyo xukun jacayl. Sababta ugu weyn ee arrinkaàs sababta u ahaana waxay ahayd dadkii oo faromarnaa, lacag fududna iskaqqatay. Laakiin waxay illowsanaayeen iney gateen diintoodii, dadkoodii iyo dhaqankoodii, waana sababta keentay maanta in lawaayo Halwadaad oo warkooda lamaqlo, waayo wadaad kastaa koox gaara ayuu katirsantahay, kooxdaas oo badanaa dibadda lagabiilo.

No comments:

Post a Comment