Wednesday, December 7, 2016

Soomaalinimada

Arrinta Soomaalinimada waa arrin khilaaf iyo dhibaato miirana. Markii hore ee xorriyadda laraadinayey, Soomaalidu iskumid ayey ahaayeen. Kii Jabuuti joogay, kii Itoobiya joogay, kii kiiniya joogay, kii British Somaliland joogay iyo kii Italian Somaliland joogayba. Fikirkaas waxaa ladhihi jirey Great Somalia ama Soomaali Weyn!. Markii ay xoroobeen koonfur iyo waqooyi, arrintaasi isma beddalin, oo dadkii ka imanayey meelihii aan xoroobin, Soomaalida kale ayey lamid ahaayeen, oo ciidanka ayey gelijireen, tacliinta ayey gelijireen, shaqaalaha dawladdana way gelijireen. Markii aan kufashillannay dagaalkii Itoobiya, een jabnay, hoos ayaan isugunoqonnay, oo qabyaalad ayaa bilaabantay.
Haddaba heer waxaa lagaaray goballadii xortaahaa ay dawlad goboleedyo noqdaan uu kadhexeeyo iskudheganaasho sahlani. Waxaa kaleeto oo dhacday goballadii aan xorta ahayni kawanaagsanaadaan kuwii xortaahaa ee iyaga xoreynayey. Dadkii aan islahaa dulliga kasaar ayaa maanta idhaama, oo dullinimadii anigii wax xoreynayey bay igusoowareegtay.
Haddaba, su'aashu waxay tahay, Yaa hadda Soomaali ah? Soomaalinimadu maqabiil baa mise qaran, mise waa dawlad? Yaa matala Soomaalinimada? Mise wayba dhimatayoo, waa xabaal halkaynnu tubannahay? Dadkii aad shala wadday eed udagaallamaysay, maanta mawadikartaa, mise udagaallami kartaa? Mise iyagaaba dawladoo maanta kudhaama?
Su'aalahaas ani jawaab waan uwaayey.

No comments:

Post a Comment