Thursday, September 29, 2016

Isbeddal Bulsheed

Waxaa dhab ah in aan dhibaato kujirno, Soomaali ahaan, ama wixii la oran jirey jamhuuriyaddii Soomaaliya. Waa yaryihiin illaa hadda wax kahadlaya, sidhab ah dhibaatada dhaqaale, siyaaso ama bulsho oo haysta ummadda Soomaaliyeed ee kunool geeska Afrika. Dadkaas oo ay meesha kabaxday dawladdii ay dugsanayeen, muddo lix iyo labaatan sanona kujira dhibaatooyin iyo jaahawarreer bulsho. Dhibaatooyinka haatan haysta Soomaaliya maahan wax si dhab ah loogakaban karo, gaar ahaanna in dawladnimadii ay dib usoonoqoto. Dawladdii Soomaaliyeed oo ay meesha kasaareen dawlado badan oo col la ahaa, iyagoo adeegsanaya wax magaroto Soomaaliya iyo kuwo muslima, waxay wali Marti utahay kuwii dumiyey laftigoodii. Sidee uga rajaynkartaa qofkii kudilay, inuu haddana kunooleeyo oo uu waxkutaro?
Inkastoo marka lagasoo tago dhibaatooyinka dibadda inagayimaada, kuwo dhexdeennaa, ee kusalaysan nacaybka qabyaaladda kusalaysan iyo diinta been abuurkaa, ay yihiin kuwo ugudaran een ladawayn Karin. Oodo dhacameed, siday ukalakorreeyaan ayaa lookalaqaadaa, waa maahmaah Soomaaliyeed. Inta aynaan kahadlin faragalinta shisheeye, ha ahaato reer galbeed, mid Afrikaan ama mid Carbeed, haddana haddii aan xal kagaarro dhibaatooyinka dhexdeennaa, faragalintu micno mayeelanayno. Haddaba maxay yihiin waxa nagadhexeeya? Majiraan nacfiweyn oo dalka yaalla oon iskuhaysanno! Dhibaatada ugu weyn ee noodhexeeyaa waa wadaagga dawladnimada . Taas ayaa keentay in siyaasiyiin dano siyaasadeed leh ay bulshada colaad kudhex abuuraan, ama siyaasiyiin dano gaara leh ay bulshada kudhex abuuraan khilaaf diimeed. Taasina waxay keentay iney dawladihii shisheeyaha ahaa ay maalgashtaan dhibaatooyinkaas diin-siyaasadeed ee dalka naafeeyey. Marka dhibaatada ugu weyni waa qaybsiga nacfiga dawladnimada iyo qandaraasyada khiyaanada ah ee siyaasiyiinta lagalaan dawladaha shisheeye! Heerka aqoondarrada ee bulshada dhexdeeda oo aad usarreeya, ayaa keentay in bulshadu aysan aad ufahmikarin khiyaanooyinka siyaasiyiinta magacooda kuqaraabta. Sidaas daraadeed, ayaa qofkasta oo xoogag lacaga haysta, cidduu doono ha ahaadee, soomaali ama shisheeye, uu wuxuu rabo kasamaynkaro Somaliya. Waana taas midda keentay, in dawlado shisheeye ay ciidamo kaqortaan Soomaaliya oo waxay doonaan sameeyaan. Qofka Soomaaliga ah, een wax aqoona lahayn, haddii aad mushaar siiso, xitaa mushaar aan saas uweynayn, waxkastaa wuukuisamaynaa, xitaa haddii aad udirto reerkooda ama qaraabadooda soolaayo! Waxaan ubaahannahay isbeddal dhinackasta ah, waliba dhanka fekerka ah! Sida aan ufikerno! Sida aan u aragno adduunka. Tusaale ahaan, waxaan u aragnaa in Yuhuuddu ay yihiin dad aad uxun oo Ilaahay nacay, laakiin Sucuudiga oo saaxiib dhaw la ah Yuhuudda, iney yihiin dad barakaysan oo Ilaahay jecelyahay! Waxaa tusaale fiican kuu ah dagaalka dadka Muslimiintaa ee Yemen iyo Suuriya, sida ay isuguraacsan yihiin!

No comments:

Post a Comment