Tuesday, December 13, 2016

Is-ciribtirkii Soomaalida

Bulsho kasta oo caalamka kunool waxay leedahay sheekooyin iyo dhaqamo hore ooy hadal ahaan ama qoraal ahaan isugugudbin jireen, kuwaas oo qaarkood ahaayeen wax ceeba marka hadda lafiiriyo, ama wax wanaagsan. Waxyaabahaas dadka badanaa majecla iney sheegsheegaan haddii aysan koox gaara ahayn.
Haddaba waxyaabaha Soomaalida dhexdeeda caanka ka ah waxaa kamida siyaabihii arxandarrada ahaa ee ay isugumaadi jireen marka ay xinifyari dhexmarto, sida sheekadii Qabaalkii Caligeri oo kale. Sheekooyinkaas badanaa waxaa laysugugudbiyaa gabayo, sida kuwii Guba, siinnleey, Deelleey iyo Maruuryo iyo kuwo badan oo kale.
Haddaba, waxaa jira dagaallo kale oo ay Soomaalidu gelijirtey sida kuwii Jihaadka Xabashida, kuwii isbarakicinta iyo Isir-sifaynta ee muddooyinkii fogaa sida Gaalo-madow, Ujuuraan iyo Maadinle, Gurgure, iyo kuwo kaleeto oon lasookoobikarin iyo kuwo dhawaa sida barakicii koonfurta ee Daaroodka.
Haddaba, waxyaabahaasi iyo dagaalladaas waligood ahaa waxay aasaas iyo salba uyihiin siyaasadda gurracan ee maanta Soomaaliya kajirta iyo sida Qabiil waliba ufikirayo, waayo Qabiilkastaa wuxuu diiwaan xun oon la illoobokarin uhayaa Qabiilka laderiska, sida arrimaha illaa haddeer kataagan Gaalkacyo, Beletweyne, Kismaayo iyo waliba Buuhoodle.
Haddii aan damacno inaan sheekooyinkaas sida dhaba oon dhinacna raacsanayn ugasheekaynno, dadbadan ayaa yaxyax wejiga kafuulayaa, laakiin waa waxa keliya eennu nahay, waana sababta aasaaska u ah in fikirka siyaasadeed ee Soomaalidu uu kusalaysnaado kuwo Qabiil, lanawaayo wax fikir Qaran wata, si dadka iyo dalku dawlad uhelo.
Dhibaatadaas dhaqanka liita ah ayaa dadyawga daneeya Soomaaliya, Carab, Reer galbeed iyo waddamada deriskuba si xun ugafaa'idesyteen, oo maalin walba aan umaqalnaa niyadjab horleh iyo ayaan darro naguhabsatay.
Sheekooyinkaas waxaan iskudeyeynaa inaan sooqaadanno kuwoodii ugu caansanaa ee nasoogaaray ama waxlaga qoray. Inkastoo dadku ay turjumaadda dhacdada kukaladuwanaadaan, ooy ay jirey kaleexasho xaqqiida, haddana yaqaanna sida waxloobaaro aad ayey isugudhawaan karaan xagga fikirka.
Marka taariikhda Soomaalida dib loogunoqdo, aqoonyahannada Soomaalida ee dhaqanka taariikhda, waxay iskuraacsan yihiin in Soomaalidu ay tahay dad hore oo waligood dhulka degganaan jirey hase yeeshee ay Magacyadoodu isbeddali jireen. Inkastoo ay jiraan dadyaw kusoobiiray oo dhanka badda kagayimi, haddana Soomaalida aan hadda naqaanno ee kakooban qabiillada magaca xun loobaxshay ee afar iyo bar, kulligood waxay kufaanaan iney ku abtirsadaan asaxaabtii rasuulka, ama rasuulka laftigiisii, naxariis iyo nebedgelyo korkiisa haàhaatee. Taas laakiin waxay ka hor imanaysaa taariikhaha dhulka hoostiisa laga qoday ama kuxardhan derbiyada Ahraamta Masaaridii Hore. Iney Soomaalidu kasoojeeddo ummado rogmaday, sheegashadaanina ay laxiriirto uun Qaadashii Islaamnimada ee lagukalahormarey iyo intii diidday oo lalaayey, xoolohoodiina ladhacay, waa dadkii loobaxshay gaalo madaw markii Islaamka qaadan waayeen, laakiin markii hore iskudadka la ahaa.
Haddaba dhibaatooyinka dhaqameed ee Ina haysta ayey kamid tahay in ummad tobnaan kun oo sannadood jirtey layiraahdo dhawr boqol oo sano ayey jirtey, marka laraaco abtirsiinyaha soddonka odey aan kabadnayn een badankeen ku abtirsanno. Taasoo aan sideedaba qarni kabadnayn.
Lasoco qaybta dambe haddii Ilaahay yiraahdo!

Dalmar Aden Hassan
Samotalis2018@gmail.com

Wednesday, December 7, 2016

Soomaalinimada

Arrinta Soomaalinimada waa arrin khilaaf iyo dhibaato miirana. Markii hore ee xorriyadda laraadinayey, Soomaalidu iskumid ayey ahaayeen. Kii Jabuuti joogay, kii Itoobiya joogay, kii kiiniya joogay, kii British Somaliland joogay iyo kii Italian Somaliland joogayba. Fikirkaas waxaa ladhihi jirey Great Somalia ama Soomaali Weyn!. Markii ay xoroobeen koonfur iyo waqooyi, arrintaasi isma beddalin, oo dadkii ka imanayey meelihii aan xoroobin, Soomaalida kale ayey lamid ahaayeen, oo ciidanka ayey gelijireen, tacliinta ayey gelijireen, shaqaalaha dawladdana way gelijireen. Markii aan kufashillannay dagaalkii Itoobiya, een jabnay, hoos ayaan isugunoqonnay, oo qabyaalad ayaa bilaabantay.
Haddaba heer waxaa lagaaray goballadii xortaahaa ay dawlad goboleedyo noqdaan uu kadhexeeyo iskudheganaasho sahlani. Waxaa kaleeto oo dhacday goballadii aan xorta ahayni kawanaagsanaadaan kuwii xortaahaa ee iyaga xoreynayey. Dadkii aan islahaa dulliga kasaar ayaa maanta idhaama, oo dullinimadii anigii wax xoreynayey bay igusoowareegtay.
Haddaba, su'aashu waxay tahay, Yaa hadda Soomaali ah? Soomaalinimadu maqabiil baa mise qaran, mise waa dawlad? Yaa matala Soomaalinimada? Mise wayba dhimatayoo, waa xabaal halkaynnu tubannahay? Dadkii aad shala wadday eed udagaallamaysay, maanta mawadikartaa, mise udagaallami kartaa? Mise iyagaaba dawladoo maanta kudhaama?
Su'aalahaas ani jawaab waan uwaayey.

Sunday, December 4, 2016

Dhibaatooyinka Nolosha

Dhibaatooyinka nagahaysta nolosha waabadanyihiin, laakiin waxyaabaha lataabankaro oo aan ubaahnayn cilmibaaris waxaa kamida:
1) reer miyigii oo usooguuray magaalooyinka iyaga oo aan wax xirfada oon ka ahayn tiixoolodhaqashada aan lahayn. Taasina waxay keentày qabyaaladda oo magaalooyinka soogashay. Sidaas ayaa khilaaf aan reer magaalku aqoon ulahayn ulakulmeen.
2) waxbarasho xumo: dadka badankooda oon waxba badan iyo kuwii waxbartay oo bartay waxyaabo aan kacaawinayn nolosha, sida xirfadaha. Waxbarashada maanta Soomaaliya kajirtaa waa mid lacag uruursi ah, oon waxba labarin ardada in maskaxda lagawareeriyo maahane.

Thursday, December 1, 2016

Ummad siijiraysa

Kawarran haddii aad rumaysantahay inaadan dal lahayn, balse aad isaga dhexnoolaato, wixii aad maalintaa kahelikartana kasiiqaadato, meeshii kuguxumaata aad isagatagto, haddii aad fursad heshana aad dadka baarato, kawarran haddii aadan kabafikirayn aayaha ubadkaaga, sidaasi waa nolosha dadka Soomaaliya kunool. Qofna kumafikiro inuu dalkiisa ushaqeeyo. Ummaas waqti intee le'eg ayaad is leedahay way siijirikartaa? Qofkasta oo dadkaan fiiriya su'aashaas ayuu iswaydiiyaa. Soomaalida waagii hore waxaa laguwareeriyey Soomaali weyn, haddana Soomaali yar yar.

Friday, November 18, 2016

Baarlamaanka qabaligaa ee 4.5

Saaxiibbayaal waxaa soodhammaanraba baarlamaankii qabaligaa ee doorashada beentaa kusalaysnaa. Doorashadaan oo aysan tartamayn wax fikrado ah, laakiin ay tartamaysay lacag dad shisheeye bixinaynayeen oo lagubaayacaayey xornimadii Soomaaliya. Waxaa ugu xoogweynaa tartanka kooxda calooshood ushaqaystayaashaa ee Dam iyo Jiid, oo dalka uhorseeday dagaal qabiil iyo baayac hantida maguurtadaa ee dalku lahaay. Wali waxay rajokaqabaan iney markale kusoonoqdaan madaxnimada iyagoo dadka kucalooldabacsanaya qabyaalad.
Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya wax micno leh manoqon doono, waayo cid uu metelo maleh.

Sunday, October 2, 2016

Muqdisho, Xarun Beeleed

Muqdisho, waa dhibaatada ugu weyn ee Soomaali haysata, kunaqasbaysa in beelaha kale dawlado samaystaan! Inkastoo dhibaatada Muqdisho kajirta aan guud ahaan loosaarin Karin beelaha Muqdisho deggan, hadda cidda la adeegsado iyagaa ubadan!
Muqdisho waxay leedahay taariikh dheer, waxayna leedahay taariikh guun ah, waxayna kamid tahay magaalooyinkii ugu uhorreeyey ee Afrikada bari. Taariikhdii Muqdisho badankeed waa dhuntay, laakiin dad ayaa weli haya iyadoo sheeko ah, oon qornayn! Waxaa magaalo madax kadhigtay talyaaniga, sida taariikhdu qortayna, magaalooyinkii u uhorreeyey ee ay Soomaalidu degto waxay ahaayeen, Saylac oo muuddo kun sano kabadan Xarun u ahayd ganacsiga iyo ilbaxnimada. Sida lasheego xiriir ayaa dhaxayn jirey Muqdisho iyo Saylac muddo dheer intii aysan burbirin!
Talyaaniga ayaa magaalo madax kadhigtay Muqdisho, laakiin Siciid Barqash oo Talyaanigu ka iibsaday waxaa magaalo madax u ahayd jasiiradda Zanzibar oo Tanzania hadda katirsan, inkastoo ay xukun hoosaad leedahay.
Markii xornimada laqaatay, Muqdisho ayaa lagadhisay dawladdii ugu horreysay ee xorta ahayd eey Soomaali yeelato muddada dambe! Wixii hanti ahaa iyada ayaa lagelshay, dawlad iyo shacabba, sababtoo ah majirin dhaqaale magaalooyin badan lagudhiso, inkastoo Kismayo warshado badan lagadhisay!
Markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya wax waliba waa isbaddaleen, Muqdishana waxay noqotay Xarun beeleed, inkastoo dastuurku uusan wali go'aan kagaarin, haddana waxaa run ah iney tahay Magaalo beeleed, laakiin dawladdu ay kaxishoonayso. Dhibaatada ugu weyn waxay tahay sidii ay beelaha kale ku aamini lahaayeen in Muqdisho ay tahay Xaruntii Soomaaliya, sababtoo ah ma arkaan warka idaacadaha lagasheegayo markasta!
Dhibaatada kaleeto ee haddana taagani waxay tahay, beelaha Muqdisho ay xarunta utahay, ma ogala in magaalo madax meel kaleeto loowareejiyo oo laysku raacsanyahay! Marunbaa inaan lahelikarin meel dhexdhexaad ka ah isxulufaysiga siyaasadeed ee beelaysan? Sidee aayatiinka ummad dhan madaxfurasho looguhaysan karaa? Sidee ayaan ugafikikarnaa madaxweyne dadku usimanyihiin, oon qaadanayn xoolaha ummadda, una arkin in magaca qaranka loo isticmaalo sidii NGO oo kale, lacagna lagu uruursado?
Beelaha Muqdisho waa iney katanaasulaan madaxfurashada ay uhaystaan iney dhalato dawlad Soomaaliyeed, oon beelna lahayste u ahayn! Dhammaan dadka matala magaca federaalka, baarlamaanka iyo dawladduba waa lahaystayaal aan waxay rabaan samayn Karin, waxaana tusaale u ah, dad madaxa oo lagudilay Villa Somalia dhexdeeda, kadib markii ay kahoryimaadeen fikrado gaara! Tusaale kaleeto oo maragmadoontaa waa in hal beel ay markasta usharraxantahay madaxweynaha, sababtuna waa haysashada Magaalo madaxda Muqdisho. Midda kaleeto oo marag madoontaa, waa musharixiinta oo naftooda lacararay illaa Sheekh Shariif oo ciidan badan oo beeshiisaa Muqdisho kudiyaarsaday maahee! Sidee Muqdisho kusii matali kartaa ummadda Soomaaliyeed? Soo inaan kulligeen Faysal Cali Waraabe oo kale noqonno maaha?

Saturday, October 1, 2016

Madaxweynaha cusub ee Soomaaloya

Sannadkaan waxaa kadhacaysa Soomaaliya doorasho xoogaa kaduwan tiikal hore. Su aashu waxay tahay yaakusoobaxaya ? Haddii aysan dhicin mucjiso hoose sidii kal hore Xasan sheeq kusoo baxay, sannadkaan waxay ubadan tahay inuu soolaabto Xasan sheeq, sababtoo ah dhammaan maamulladu waxay sooxulayaan rag uu Xasan wato! Dawladaha dariska waxay wataan Xasan sheeq, beesha caalamkuna waa isqarinaysaa! Dhammaan qandaraasyadii miiska hoostiisaa ee uu saxiixay Xasan mashaqayn doonaan haddii uusan soonoqon! Inkastoo sheeq shariif cadaadis badan kuhayo Xasan sheeq, oo beelaha muqdishana aad utaageersanyihiin, haddana sheekh shariif nin siyaasad wax kayaqaan maaha! Waa nin geesiya, oo dagaal galikara, xoraynna Kara dalka, laakiin siyaasad uma bilaabna! Sidaas daraadeed waxaa iska cad in Xasan sheeq uumaleegay giraan siyaasadeed oo weyn, ayna adagtahay inlagabaxo! Cidkaleeto oo loolan adag lagelikarta Xasan sheeq illaa hadda mamuuqato, markaa dadku ha udiyaargaroobaan afar sano oo kale oo hubaal la aan iyo qas siyaasadeed ah. Illaa hadda waxba lagamadhaxlin maamulkiisa, oon ka ahayn in Soomaalidu usiinuglaatay faragalinta, taas ayaana siisoconaysa afarta sano ee soosocota! Musharixiinta kale waxay ubadanyihiin rag laablakac kushaqaynaya. Siyaasadda Soomaaliya waa adkaatay, waxaana siiyaraanaya meelaha lagasoogalikaro!