Sunday, December 18, 2016

Is-ciribtirkii Soomaalida: Garaad Wiil Waal

Waxaa la yiri waayadii Soomaalida iyo Oromadu isriixayeen, qiyaastii muddo laboqarni haatan lagajoogo, ayaa magaalada jigjiga oo markaa ceel xooluhu kacabbaan ahayd, waxaa iskugalay Gaal Gurey oo Oromada uweynaa unatalinayey iyo Garaad Will Waal oo waddanka Xoog kuhaystay, Bartirana Garaadkooda ahaa. Garaad Will Waal wuxuu ahaa hoggaamiye dagaal oo yaab leh, dhawr jeer ayaana Oromadu jabiyeen. Dhibaatada ugu weyni waxay ahayd iyadoon xoolaha Soomaalidu cabbikarin maalintii ama inta Oromadu fulayso.
Garaadkii will Waal talo ayaa kucaddaatay, waagii dambe ayuu gurmad udirsaday Ogaadeen oo tolkii ahaa laakiin aan waagaa udhawayn. Muddo markii uu joogay ayaa ergadii uudirsaday farriin ukeeneen oo kuyiraahdeen: waxaa nalayiri warmihiinna xayr mariye oo bawdka kushalwiya, marka aad aragtaan boorkii oo iskudahaaray warmihii oo qariyey, fardahannagii waa idinku dhaw yihiin ee dagaalka bilaaba.
Wuxuu warmihii eegaba markii uu arkay iney boorkii wadagaadhay, ayuu colkiisii diyaarsaday. Gaal Gurey ayuu usheegay inuu shirka leeyahay, markii uu usoobaxayna qoorta ayuu kajaray. Waxyar dabadeedna ciidankii gurmadka ahaa oo Ogaadeen ayaa warmihii kuboobay, sidaas ayaana Oromo Jigjiga kagahayaantay, maalintaasaana udambaysay xoolo habeen cabba.
Gabay uu maalintaa Garaadku tiriyey ayaan waxyar sooharay:
Wuxuu yiri:
Dib ayaan kasoodirayaa, ninkii gabaygaa hayana haygudeeqo

Friday, December 16, 2016

Ciribtirka Maraykanku kuhayo waxgaradka Soomaaliyeed

Sidii loo laynayey midkasta oo udanqada duruufaha ba'an ee haysta ummadda Soomaaliyeed, ayaa maanta lawaayey wax hadli Kara. Afkasta sharooto ayaa lasaaray, kaagadaranta waxaa laguusoodirayaa cunugyar oo aad adeer utahay ama xaafaddaadaba kunool.
Mareekanku wuxuu qandaraas saliid baaris kuhaystaa dhammaan dhulka Soomaalidu degto, mana uu doonayo in cidaan isaga ahayn waxkatiraahdo. Waxaa intaa kasiidaran, qorshaha dhaw uguma jirto in shirkadaha Mareekanka loofasaxo iney Saliid kasoosaaraan Soomaaliya. Markaa waxaan udhimanaynaa wax aynaan shaqo kalahayn, aqoonna ulahayn.
Wuxuu Soomaaliya usoodiray unugyadiisa ugu khatarsan adduunka, waxayna sameeyeen waxkastaa oodna maleesan Karin. Waxaa kamida dhacdadii Gaalkacyo ee lagulaayey ciidan beeleed yada, kadibna kicisay colaadda Gaalkacyo ee dhibanaha ah. Mareekanka waa in lagalaxisaabtamaa dhibaatooyiñka uu Soomaaliya kageesanayo, isganoon aqoonsaneen iney wax dawlada Soomaaliya kajirto. Wuxuu iskii udhistay ciidammo uu ulabaxay Danab iyo Gaashaan, kuwaas oo isagu quudiyo, uunakusheego iney ciidammo Soomaaliyeed Yihiin. Wuxuu qabsaday dhammaan garoomada diyaaradaha ee Soomaaliya, wuxuuna quudiyaa ciidamada Afrikaana ee Soomaaliya jooga.
Abaaraha iyo gaajada kadhacaya Soomaaliya cid ay khusayso majirto oon ka ahayn dadka ay haysato, waxaana dadkii lagumashquuliyey dooroshooyin dadban, oo arrimahoodu dadban yihiin, loona jeedo in kuraasta bannaanka lagukalagadanayo, codadka madaxweynahana sidaas uun ay tahay. Dhibaato aan Mareekan aheen Soomaaliya maheesato, waana in Mareekanku waxkabeddalaa siyaasadda ciribtirkaa ee uunaguwado. Mareekanku wuxuu hore usoociribtirey dawyawgii hindida guduudan ee lahaan jirey gebi ahaanba dalka Mareekanka, waxaana hadda kuharay waxoogaa ladaawado, sida xyawaanka duurjoogta. Qorshihii oo kale ayaa Soomaaliya kasocda waxaana dalkii lagamariyey intii garaadka iyo aqoonta lahayd. Waxaa sooharay jaajuus kaliya kaasoon waxba daryeelayn.

Wednesday, December 14, 2016

Barashadii Diinta Islaamka

Ummadda Soomaalida iyagoo u oomman ayey Diinta Islaamku soogaadhay, iyagaana gaarsiiyey ummadaha dariska oo dhan. Diintu waxay u ahayd fikir iyo ilbaxnimo cusub oo ay heleen. Sidaas ayeyna baridda diinta isugu gudbin jireen muddo dheer. Waxaadna ogtihiin dugsiga looxa inuu yahay waxyaabaha Soomaalida ugaara, inkastoo aan maqlay inuu dhanka Suudaan nooga yimi.
Dadka Soomaalidaa Islaamnimadu dhuuxa ayey ugajirtaa, dhaqankii hore eey lahaayeenna intiisa badan diinta ayaa tirtirtay. Dadka Soomaalidaa ee hadda jiraana abtirsiinyahooda Islaamka kadib ayey kasoobilaabantaa. Wixii kahorreeyey waa la inkirey iyadoo loo jeedo astaamihii ay katageen. Intaasi waxay ahayd faan iyo jacayl ay Islaamka uqabeen.
Iyadoo ay jirto aqoontaas qotada dheer eey Soomaalidu uqabeen Islaamnimada, haddana kama aysan badbaadin mad-habadihii dambe ee sida weyn ubeddalay fikirka Islaamka ee goor dambe dalka oo dhan qabsaday. Fikirkaan dambe wuxuu dadkii kaweeciyey dhankii jacaylka aakhiro iyo Nabi Maxamed naxariis iyo nebedgelyo korkiisa haàhaatee, wuxuuna uweeciyey adduunyo jacayl iyo xukun jacayl. Sababta ugu weyn ee arrinkaàs sababta u ahaana waxay ahayd dadkii oo faromarnaa, lacag fududna iskaqqatay. Laakiin waxay illowsanaayeen iney gateen diintoodii, dadkoodii iyo dhaqankoodii, waana sababta keentay maanta in lawaayo Halwadaad oo warkooda lamaqlo, waayo wadaad kastaa koox gaara ayuu katirsantahay, kooxdaas oo badanaa dibadda lagabiilo.

Tuesday, December 13, 2016

Is-ciribtirkii Soomaalida

Bulsho kasta oo caalamka kunool waxay leedahay sheekooyin iyo dhaqamo hore ooy hadal ahaan ama qoraal ahaan isugugudbin jireen, kuwaas oo qaarkood ahaayeen wax ceeba marka hadda lafiiriyo, ama wax wanaagsan. Waxyaabahaas dadka badanaa majecla iney sheegsheegaan haddii aysan koox gaara ahayn.
Haddaba waxyaabaha Soomaalida dhexdeeda caanka ka ah waxaa kamida siyaabihii arxandarrada ahaa ee ay isugumaadi jireen marka ay xinifyari dhexmarto, sida sheekadii Qabaalkii Caligeri oo kale. Sheekooyinkaas badanaa waxaa laysugugudbiyaa gabayo, sida kuwii Guba, siinnleey, Deelleey iyo Maruuryo iyo kuwo badan oo kale.
Haddaba, waxaa jira dagaallo kale oo ay Soomaalidu gelijirtey sida kuwii Jihaadka Xabashida, kuwii isbarakicinta iyo Isir-sifaynta ee muddooyinkii fogaa sida Gaalo-madow, Ujuuraan iyo Maadinle, Gurgure, iyo kuwo kaleeto oon lasookoobikarin iyo kuwo dhawaa sida barakicii koonfurta ee Daaroodka.
Haddaba, waxyaabahaasi iyo dagaalladaas waligood ahaa waxay aasaas iyo salba uyihiin siyaasadda gurracan ee maanta Soomaaliya kajirta iyo sida Qabiil waliba ufikirayo, waayo Qabiilkastaa wuxuu diiwaan xun oon la illoobokarin uhayaa Qabiilka laderiska, sida arrimaha illaa haddeer kataagan Gaalkacyo, Beletweyne, Kismaayo iyo waliba Buuhoodle.
Haddii aan damacno inaan sheekooyinkaas sida dhaba oon dhinacna raacsanayn ugasheekaynno, dadbadan ayaa yaxyax wejiga kafuulayaa, laakiin waa waxa keliya eennu nahay, waana sababta aasaaska u ah in fikirka siyaasadeed ee Soomaalidu uu kusalaysnaado kuwo Qabiil, lanawaayo wax fikir Qaran wata, si dadka iyo dalku dawlad uhelo.
Dhibaatadaas dhaqanka liita ah ayaa dadyawga daneeya Soomaaliya, Carab, Reer galbeed iyo waddamada deriskuba si xun ugafaa'idesyteen, oo maalin walba aan umaqalnaa niyadjab horleh iyo ayaan darro naguhabsatay.
Sheekooyinkaas waxaan iskudeyeynaa inaan sooqaadanno kuwoodii ugu caansanaa ee nasoogaaray ama waxlaga qoray. Inkastoo dadku ay turjumaadda dhacdada kukaladuwanaadaan, ooy ay jirey kaleexasho xaqqiida, haddana yaqaanna sida waxloobaaro aad ayey isugudhawaan karaan xagga fikirka.
Marka taariikhda Soomaalida dib loogunoqdo, aqoonyahannada Soomaalida ee dhaqanka taariikhda, waxay iskuraacsan yihiin in Soomaalidu ay tahay dad hore oo waligood dhulka degganaan jirey hase yeeshee ay Magacyadoodu isbeddali jireen. Inkastoo ay jiraan dadyaw kusoobiiray oo dhanka badda kagayimi, haddana Soomaalida aan hadda naqaanno ee kakooban qabiillada magaca xun loobaxshay ee afar iyo bar, kulligood waxay kufaanaan iney ku abtirsadaan asaxaabtii rasuulka, ama rasuulka laftigiisii, naxariis iyo nebedgelyo korkiisa haàhaatee. Taas laakiin waxay ka hor imanaysaa taariikhaha dhulka hoostiisa laga qoday ama kuxardhan derbiyada Ahraamta Masaaridii Hore. Iney Soomaalidu kasoojeeddo ummado rogmaday, sheegashadaanina ay laxiriirto uun Qaadashii Islaamnimada ee lagukalahormarey iyo intii diidday oo lalaayey, xoolohoodiina ladhacay, waa dadkii loobaxshay gaalo madaw markii Islaamka qaadan waayeen, laakiin markii hore iskudadka la ahaa.
Haddaba dhibaatooyinka dhaqameed ee Ina haysta ayey kamid tahay in ummad tobnaan kun oo sannadood jirtey layiraahdo dhawr boqol oo sano ayey jirtey, marka laraaco abtirsiinyaha soddonka odey aan kabadnayn een badankeen ku abtirsanno. Taasoo aan sideedaba qarni kabadnayn.
Lasoco qaybta dambe haddii Ilaahay yiraahdo!

Dalmar Aden Hassan
Samotalis2018@gmail.com

Wednesday, December 7, 2016

Soomaalinimada

Arrinta Soomaalinimada waa arrin khilaaf iyo dhibaato miirana. Markii hore ee xorriyadda laraadinayey, Soomaalidu iskumid ayey ahaayeen. Kii Jabuuti joogay, kii Itoobiya joogay, kii kiiniya joogay, kii British Somaliland joogay iyo kii Italian Somaliland joogayba. Fikirkaas waxaa ladhihi jirey Great Somalia ama Soomaali Weyn!. Markii ay xoroobeen koonfur iyo waqooyi, arrintaasi isma beddalin, oo dadkii ka imanayey meelihii aan xoroobin, Soomaalida kale ayey lamid ahaayeen, oo ciidanka ayey gelijireen, tacliinta ayey gelijireen, shaqaalaha dawladdana way gelijireen. Markii aan kufashillannay dagaalkii Itoobiya, een jabnay, hoos ayaan isugunoqonnay, oo qabyaalad ayaa bilaabantay.
Haddaba heer waxaa lagaaray goballadii xortaahaa ay dawlad goboleedyo noqdaan uu kadhexeeyo iskudheganaasho sahlani. Waxaa kaleeto oo dhacday goballadii aan xorta ahayni kawanaagsanaadaan kuwii xortaahaa ee iyaga xoreynayey. Dadkii aan islahaa dulliga kasaar ayaa maanta idhaama, oo dullinimadii anigii wax xoreynayey bay igusoowareegtay.
Haddaba, su'aashu waxay tahay, Yaa hadda Soomaali ah? Soomaalinimadu maqabiil baa mise qaran, mise waa dawlad? Yaa matala Soomaalinimada? Mise wayba dhimatayoo, waa xabaal halkaynnu tubannahay? Dadkii aad shala wadday eed udagaallamaysay, maanta mawadikartaa, mise udagaallami kartaa? Mise iyagaaba dawladoo maanta kudhaama?
Su'aalahaas ani jawaab waan uwaayey.

Sunday, December 4, 2016

Dhibaatooyinka Nolosha

Dhibaatooyinka nagahaysta nolosha waabadanyihiin, laakiin waxyaabaha lataabankaro oo aan ubaahnayn cilmibaaris waxaa kamida:
1) reer miyigii oo usooguuray magaalooyinka iyaga oo aan wax xirfada oon ka ahayn tiixoolodhaqashada aan lahayn. Taasina waxay keentày qabyaaladda oo magaalooyinka soogashay. Sidaas ayaa khilaaf aan reer magaalku aqoon ulahayn ulakulmeen.
2) waxbarasho xumo: dadka badankooda oon waxba badan iyo kuwii waxbartay oo bartay waxyaabo aan kacaawinayn nolosha, sida xirfadaha. Waxbarashada maanta Soomaaliya kajirtaa waa mid lacag uruursi ah, oon waxba labarin ardada in maskaxda lagawareeriyo maahane.

Thursday, December 1, 2016

Ummad siijiraysa

Kawarran haddii aad rumaysantahay inaadan dal lahayn, balse aad isaga dhexnoolaato, wixii aad maalintaa kahelikartana kasiiqaadato, meeshii kuguxumaata aad isagatagto, haddii aad fursad heshana aad dadka baarato, kawarran haddii aadan kabafikirayn aayaha ubadkaaga, sidaasi waa nolosha dadka Soomaaliya kunool. Qofna kumafikiro inuu dalkiisa ushaqeeyo. Ummaas waqti intee le'eg ayaad is leedahay way siijirikartaa? Qofkasta oo dadkaan fiiriya su'aashaas ayuu iswaydiiyaa. Soomaalida waagii hore waxaa laguwareeriyey Soomaali weyn, haddana Soomaali yar yar.