Maxaa dhibaato inahaysta
ummadaha adduunyada waxay leeyihiin dawlado kuwaas oo kacaawiya dadyawgaas sidii ay nolol wanaagsan ugu noolaan lahaayeen, xalna ugagaarilahaayeen dhbaatooyin soodashaday ooy muddo dheer lanoolaayeen.
Waxaa jirta in Soomaalidu muddo aad udheer lanoolaayeen abaaro iyo colaado qabiil oo joogtaa, hase ahaatee wali laysmawaydiin sidii xal looguhelilahaa dhibaatooyinkaas.wali waxay dadku fursad u la'yihiin iney intafariistaan iswaydiiyaan dhibaatooyinka ay deriska laahaayeen kumanaanka sano. Umaddii oo dhan wqxay noqdeen kuwo u adegaya fikrado shisheeye.
Soomaaliya oo meesha ay kugaal muhiim uleedahay dadyawga caalamka, waxdana kamaleh dadka kunool deegaankaas. Muddodheer ayey reer galbeeeku weerarro kusooqaadeen dalkaan oo dhibaatooyin badan kadhex abuureen. Muddo dheer ayaa dalkaan lagudhexfaafinayey fikrado meelofog lagakeenay, laakiin dano gaara lagalahaa.
Haddii aan tusaale usooqaato dadyawgii gibilcadka ahaa ee muddada fog degganaa magaalooyinka xeebaha ah, cadawtinimo wayn ayey uqaben dadkii xoolalayda ahaa ee duurka kunoolaa, waxayna markasta shakikaqabeen dadkaan dabeecadda adag een ogoleen ilbaxnimada. Waxay hilmaansanaayeen in dadkaan qallafsan ay dalka iskaleeyihiin, oo gibilcadku muddo dambe soodegeen, sida caddaanka koonfur Afrika oo kale. Waliba ay kakala imaaden laftoodu waddammo kaladuwan, inkastoo markii dambe ay isfahmeen, laakiin waxay markasta heshiis ku ahaayeen inaan lamagoodle waxba fahmin.
Markii dambe ee adduunkii isufurmay, oo dadkii dhulka iskalahaa waxfahmeen, fikrado kaleeto oo shisheeye ayaa dalkii imaaday, gibilcadkiina wuxu lamidnoqday lamagoodlihii, xaddaaraddii yarayd ee jirtayna halkaas ayey kudhuntay.
Dadkii lamagoodlaha ahaa een ilbaxa ahayn waxay waligood deris laahaayeen dad cadaw ah oo marna dalkoodii soodgay, laakiin wakiil u ahaa fikrado shisheeye. Sidaas ayaa laguwaayey wax dalkaan iskaleh, illaa shaki ay gasho jiritaanka dad Soomaali layiraahdo oo dalkaan degganaan jirey, lagana raariday in dadkaani Carab yihiin, oo aanay jirin Islaamka kahor, halka afka Soomaaliga ee sida wanaagsan looguhadlaa uu kacimridheeryah ay afka Carabiga. Markii taariikhyahannadii dhexdhexaadka ahaa ay hoos uqodeen dhulka hoostiisa waxay heleen taariikh facweyn oo ah in dadkaanu waligood jireen intii adduunkaani uunmeen, laganayaabo in dadkuba halkaan kafarcameen ooy kakala aadeen daafaha adduunyada markii ay dheceen dhulgafiirro, oo qaaradihii adduunku kalaqaybsameen.
Khiyaanadii uguweynayd ee dalkaan lagagalo waxay ahayd markii la inkiray jiritaankii hore ee dadkaan oo abtirsiinyo malo awaala lootaxay, iyadoo laraadinayo nasabnimo iyo caadifad beena oo sal unoqotay kalafaquuq iyo cadawtooyo lagudhexbeeray ummad dhan oo jirtay, iskudhaqan iyo hiddo ahayd oo kuwadanoolaa hal adduunyo iyo hal xaalad nololeed. Dadyawgii xoolodhaqatada ahaa ee isku abka iyo isika ahaa waxaa ladhxdhigay deyr aan run ahayn, laakiin ay kulaguureen dadyawgii iskkuqabiilka ahaa een wax lasheego kuladuwanayn.
Taniyo marka lagasoobilaabo dhulka jeedintaa ee gala xuduudda Eriteria, lagana soogaaro harooyinka waqooyiga kenya waxaad soodhexmaraysaa dad isuwada eg oo hal dhaqan leh, oo awr labokabaal saaranyahay uraranyahay. Qaarkood waxay wataan weelal kasamaysan loox, ama caw ama qabo latolay oo caano ama biyo ugu jiraan. Qofna ma oga taariikhda runtaa ee nolosha caynkaas ahi soobilaabantay, laakiin waxaa la ogyahay in tobonaan kun ay ka horreysay, laganayaabo in dadkaani ahaayeen kuwii dhisay buuraha Ahraamta Masaarida, ee lagaranla'yahay sidii loodhisay iyo wixii lagudhisay illaamaanta.
Tuesday, January 24, 2017
Maxaa dhibaato inahaysta
Monday, January 23, 2017
Labo dhibaato dheefna leh
Labo dhibaato oo dadkeennu lahaystayaal uyihiin waa qabyaaladda iyo diinta. Labadaas fikir asal ahaan waa fiicnaayeen laakiin sixun oo kaduwan asalkoodii ayaa loo isticmaalay. Diinta oo xambaarsan labafkir oo muhiima, oo kala ah dhanka fikirka jiritaanka Eebbe iyo Astaamihiisa, iyo midkakaleeto oo ah xagga dhaqanka. Middahoreeto waa arin muran badan, dadka badankiisuna iskuma mashquuliyaan. Waxaa kaliya oo murankaasi udhexeyaa dadka sheegta iney culimmo yihiin. Midka kaleeto oo ah dhaqanka, Soomaalidu waxweyn ka faa'idday ilbaxnimada iyo xaddaaradda Islaamka waana midda kentay in Soomaalidu dhanka ganacsiga iyo fikirka kahorreyaan dadyaw badan oo Afrikaana, iyo ladagaallankii gumaysigii Afrika sooweerarey.
Mushkiladda ugu weyni waxay imaatay markii shidaalka lagahelay waddamadii khaliijka oo med-habkoodii kusoofaafiyeen Soomaaliya. Soomaaliya oo ubadaxbannaanayd caabudaadda Ilaahay, haystayna hal Med-hab oo shaaficiyaa, waxaa kusoo dhexdarsamay fikrado badan oon sax ahayn, macallinlii dugsi quraanka ee awaltoole shilinka iyo kumiga qaadan jirey oo bulshada xurmada kudhexlahaa, wuxuu noqday nin calooshiis ushaqayastaa oo mushaar kaqaata hayad aan la aqoon waxa ay tahay iyo danaheeda, badanaana siyaasad kulug leh. Arrintaasina waxay socotay illaa masaajiddii oo xitaa labedelay qaabkii aynnu masaajidda udhisan jirney, oo minnaaraddii xiddigta iyo bisha lahayd waxaa bedlay minnaarad caarad fiiqan leh, oon calaamad lahayn. Xiggigta iyo bishu waxay ahaayeen, calaamaddii dawladdii cusmaaniyiinta ee islaamka xukumaysay muddo kun sano kudhaw. Taas oow jasiiradda carabtu diidanaayeen, oo u haysteen in diintoodii kalawareegay Turky oo markaa xukumay cismaaniyiinta.
Sidaas ayaa nagalawareegay diintii, waxaana labilaabay in hadda iyo kow dadkii Soomaalidaa ee kunka sano kabadan muslinka ahaa shahaadada looqabto, qaarna layiraahdo gaalo ayaa tihiin. Dintii cibaadada ahayd ee dar Ilaahay loorumaysnaa, waxay noqotay mid siyaasad iyo arrmo adduunyo lagu raadiyo, waana midda kentay in Wadaadku aanu waxsaasa kaduwanayn midka maaddooyinka kale cilmiga bartay, diintiina waxay noqotay uun mid maaddooyinkaas kamida. Halkii awaltoole uu wadaadku ahaa nin barakoleh, hadda waxwalba oo dadkakale sameyaan asna wuusameyaa.
Bellaayada kale e kaladhqntaashay midnimadeennii iyo dadnimadeennii waxay tahay qabiilka iyo qabyaaladda. Markii hore qabiilku wuxuu ahaa wax quruxbadan, oo faan iyo nasabnimo ayaa lasocday, waxaana dadku uqaateen sidii ay Islaamnimada uqaateen oo kale. Qabiilka iyo Islaamnimadu way islasocdeen oo Carabta ayaa keentay. Carabtu diinta kaliya makeenin ee waxyaabo badan oo dhaqankoodii ahna way keeneen sida ganacsiga oon Soomaalidu aqoon ulahayn. Qabiilku berigii hore ee miyiga lajoogay waji ayuu lahaa, markii dambe ee dadkii xoolohii kadhammaadeenna wajikale ayuu yeeshay. Markii hore ee miyiga lajoogay, qofka noloshiisa iyo qabiilkiisu way iskuxidhnaayeen. Cidwalba oo degaanka ladeggan col ama nabad midkood ayey ahaayeen, cid waliba godob ayaa kagamaqan ama godob ayey kuleedahay, markaa ammaankiisu markasta muran ayaa kajira oo xillikasta waxbuu dilikaraa ama waaladilikaraa. Midda kaleeto ee meesha taalley waxay ahayd sida lookalaxoog badan yahay ayaa lookalasharaf badnaa. Qabiillada yar yar een lahayn ciidan badan oo dagaal gelikara, way dulmanaayeen, waxyaabo badan oo xad gudub ahna waa loogeysan jirey. Waxay ahayd nolol xoog kudhisan, oo markasta dagaal lagujiro, xoolo lakalaqaadayo ama mag lakalaqaadanayo. Sidaas ay tahayna noloshu way socotay, waliba iyadoo waliba faan iyo islawayni lasocoto.
Markii xoolihii dhammaadeen ee magaalo lasoogalay, dhaqankii miyiga lagama iman ee magaaladii ayaa lalasoogalay. Markii dawladnimada lahelay,