Dad badan oo Soomaaliya haddaa weydiiso dhibaatooyinka siyaasadeed ee Soomaaliya waxay kuleeyihiin, dhibaato aan majeerteen dhigin dalkaan kamadhicin. Inkastoo qabiil ahaan aan wixii dhacay dusha lawadasaaran Karin, haddana dhibaatooyinkaas waxaa geystay shaqsiyaad beesha kamida oo taageero kahelayey qaybo beesha kamida. Qormadaan uguma danlihi inaan soobandhigo ceebaha uu Majeerteen leeyahay, laakiin marka larabo in dibuheshiisiin dhaba lagalo, waa in lagasheekeeyo waxyaabihii dhacay. Inkastoo ay adagtahay in daacad laga ahaado waxkasta oo dhacay, sababtoo ah ma ogaankartid dhankasta oo dhacdadaas kusaabsan, haddiise ay daacadnimo jirto, oodna cidna necbayn, waxaa lagayaabaa in sheekadaadu dhadhan lahaato.
Sikastaba haahaatee, dhacdooyinkii siyaasadeed ee xanuunka badnaa uurkutaallana kureebay siyaasad qabiileedka Soomaalida waxaa kamid ahaa:
1. Sulkaankii Hobyo, kaasoo abuuray cuqdad mahadho ah oo illaa maanta lagasheekeeyo waxyaabihii dhacay. Oday duqa oo kamid ahaa dadkii kuhoosnoolaa xukunkii Suldaan Cali ayaa iigasheekeeyey rafaadkii lamarin jirey. Inkastoo uu suldaankaasi dadyaw badan ladagaallamay, haddana beelihii ay haybwadaagta ahaayeen, waa iska illoobeen, qaarkalese waxbadàn bay sheegaan.
2. Xukunkii Aadan Cadde: dad badan ayaa rumaysan in cabdillaahi Ciise uu kamudnaa Aden Cadde inuu madaxweyne noqdo, dhawr sababood aawadood, waa mide isagaa ahaa RW uhorreeyey ee Soomaali yeelato, waa mide, qabiilka Aden Cadde wuxuu ubadnaa xisbigii progaresso ee talyaaniga raacsanaa, halka qabiilka cabdillaahi Ciise ay kulligood leegada ahaayeen.
2. Iskudarsankii koonfur iyo waqooyi: israacii labada gobol, waxay ahayd in madaxweynaha iyo RW lakalaqaato, arrintaasna may dhicin ee labadiiba koonfur baaqaadatay, halkaasna daqarkii ugu horreeyey ee midnimada ayaa dhacay.
3. Kaladoorashadii Ingiriis iyo Talyaani. Ingiriiska oo ay gacanta ugu jiraan shantii gobol ee Soomaalidu uqaybsanayd, Jabuuti maahane, ayaa Talyaani ladoortay inuu Soomaali xornimo gaarsiiyo, ogow talyaani dalka waakamaqanyahay oo waa laga adkaaday, arrintaas ingiriis waa ucintami wayday wuxuuna Soomaali uqaaday colaad aan dhammaan illaa hadda.
4. Dilkii Cabdirashiid Cali sharmaake, markii ladilay Cabdirashiid Cali sharmaake, xukunkii ciidamada ayaa dhacay, xukun ciidanna waan aragnay wixii kadambeeyey.
5. SSDF. Jamhaddii uhorreysay ee laguladagaallamo qarankii Soomaaliyeed ee sababta unoqotay iney cunto dawladdii.
5. Dagaalkii Hargaisa ee dhafoor qiiq. Dhibaato aan illaa hadda Karin.
6..dagaaalkii USC ee Muqdisho lagulagalay iyadoo sheekadii loorogay Daarood iyo Hawiye.
7. Dagaalladii Kismaayo oon dib ugasheekayn doono.
Fikirkiinna xalaashaa een aflagaaddo iyo qabyaalad huwanayn ...
Saturday, March 25, 2017
Gefefkii siyaasadeed ee Majeerteen
Subscribe to:
Posts (Atom)